|

Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Xildhibaan Siyaabo Is Burinaya Uga Hadlay Tahriibeyaal Itoobiyaan Ah Oo Marin Ka Dhigtay Laascaanood

Laascaanood 17 Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Gobolka Sool  Yaasiin Maxamed Shide iyo Xildhibaan Nuuradiin Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka  tirsan golaha deegaanka ee degmada  Laascaanood,ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo ay marin u  noqotay Caasimadda Gobolka Sool ee Laascaanood oo Tahriibeyaasha Itoobiyaanka ah ee ku socda dalka Soomaaliya si ay badaha dalkaas uga sii tahriibaan.

TAHRIIBAYAAL

Nuuradiin Cabdiraxmaan  Ibraahim oo ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa sheegay in goobo lagu xareeyo dadka tahriibayaasha ahi ay ku yaallaan magaalada Laascaanood waxaanu ugu baaqay madaxda Gobolku in ay wax ka qabtaan oo ay tallaabo ka qaadaan, Waxaanu ydhi   “Xarumaha sharci-darrada ah ee sida khaldan looga gacansado Oromada Tahriibeyaasha ah, iyada oo laga daad-gureeyo in ka badan kumanaan qof, magaaladan Laascaanood, guryaha kiraysana ay ka badan yihiin dhawr iyo labaatan guri oo dadka sida  sharci darrada  ah u soo galaya laga tahriibiyo.”

 

 

 

Xildhibaanku Nuuradiin, waxa kale oo uu intaas ku kabay “Haddaba,   haddii aan wax laga qaban waxa ay waxyeeli karaan caafimaadkeenna, nadaafadii, nabadgelyadii, waxay waxyeelayaan naftoodii oo waxyeelo joogta ahi ay ku dhacayso, maalin walbana in ka badan 20 qof ayay baabuuri la dhacdaa oo gar iyo mag la’aan ah. waxaan u soo jeedinaya bulshadda,reer Laascaanood, Wasiirka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Sool iyo gudida nabadgelyadaba in si deg dega wax looga qabto loona joojiyo xarumahaas dadka laga raro.”

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide oo wargeyska Afka Xukuumada ku hadla ee Dawan wax ka waydiiyay sababta ay Maamul gobol ahaan wax uga qaban waayeen Tahriibeyaasha ay xarunta u noqotay iyo guryaha uga kiraysan magaalada Laascaanood,ayaa ku jawaabay.   “Marka hore Laascaamood kama  jiraan xarumo u gaar ah tahriibeyaasha Itoobiyaanka ah ee u socda  Soomaaliya guryo u kiraysan iyo goobo lagu dejiyaanna Laascaanood kama furna.  laakiin way jiraan oo Tahriibeyaasha Itoobiyaanka ah  oo waliba u badan qoomiyadda Oromada oo ku socda Boosaaso in ay soo maraan magaalada Laascaanood,taasina mid aanu  dafirayno maaha waana xaqiiqo jirta oo dalka oo dhan ka jirta oo markaad ka soo dhaqaaqdo Wajaalle illaa Laascaanood Tahriibeyaasha waad arkaysaa.”

 

Waxaa kale oo aannu waydiinay  maamul gobol ahaan tallaabada ay ka qaadayaan nooca ay noqonayso,waxaanu yidhi  “Tallaabo aanu ka qaadi karaynaa ma jirto sababtoo ah dhaqaalle ahaan ma awoodayno in aanu celino dadka illaa Wajaale la soo daayay ee ugu yaraan saddex ama afar gobol soo maray ee gawaadhida lagu siday ay soo marayeen intaas oo   kaantarool ee baabuurta laga soo kireeyay, halkan (Laascaanood) Tahriibeyaashu kuma negaadaan ee waxay kaga wareegaan noohooyinkii siday ee Wajaalle ka keenay ayay kuwo kale oo Boosaaso geeya kaga wareegaan.

 

Markaa haddii Tahriibayaasha wax laga qabanayo waa in halka ay dalka ka soo gelayaan laga joojiyo oo Wajaalle ah laakiin daadku halka uu ka sii Baxayo guriga  lagama moosee  ee  halka uu ka soo gelayo ayaa laga soo moosaa,markaa hawshaasi qaranka ayay u taalla haddii la hakinayo Tahriibeyaashana waa in aanay ka soo gudbin Wajaalle.”

 

Comments are closed