|

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo ka warbixiyay xaaladaha Gobolkaasi

Cerigaabo April 23,2012(SDN)-Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Axmed Diiriye “Geel jire” ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada Guud ee nabadgalyada iyo nolosha ee deegaamada kala duwan ee Gobolkaasi koobsado.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo caawa khadka telefoonka ugu waramayay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa sheegay in deegaamo door ah oo ka tirsan Gobolkaasi ay ka da’een raxmaadkii eebe gaar ahaan degsiimooyinka xeebta ka rogan .

Aadan Axmed Diiriye “Geel jire” mar uu ka hadlayay dhinaca nabadgalyada waxa uu xusay in deegaamada gobolka ay ka sameeyeen gudiyo la shaqeeya Ciidamada Booliska kuwaas oo qayb weyn ka ciyaaray isku xidhka shacabka iyo Booliska,iyadoo ay wada shaqayn buuxdaa u dhaxayso laamaha dawlada, waxaa kale oo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu sheegay inay mudooyinkii u danbeeyay ay ku hawlanaayeen bixinta Magihii loo kala qaadayay laba beelood oo walaalo ah oo Magaalada Ceerigaabo wada dega isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in sida ugu dhakhsaha badan ay ugu soo dhamaato .

 Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Axmed Diiriye “Geel jire” waxa uu sheegay oo kale in gobolkaasi ay soo martay abaar xoogan iyadoo Laba Kun Todoba boqol iyo Konton qoys oo soo baro kacay ay ku sugan yihiin Deegaamada Yube iyo Ceerigaabo kuwaas oo u baahan sida uu cadeeyay Gargaar deg deg ah ,Waxaanu baaq qaylo dhaan ah u diray Xukuumada Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo uu ka dalbaday sidii wax loogu qaban lahaa bulshada ku tabaalowday abaaraha soo maray gobolka sanaag.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag waxa uu intaas ku daray in xaalada ugu adag ee Gobolkaas ka taagani ay tahay iyadoo haba yaraatee aan lahayn wax Ceelal ah waxaanu xusay in meelo kooban oo ceelal leh ay biyahoodi noqdeen kuwo qadhaadh ah oo dadku marka ay cabaan uu ku dhaco shubano maadaama aanay nadiif ahayn.

SDN-Cerigaabo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed