|

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Wareegto Ku Mamnuucay Munaasibadaha Axsaabta Qaranku Hutellada ku Qabsadaan

Berbera:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa shalay soo saaray Wareegto uu dhammaan Hutellada kaga Mamnuucayo in lagu qabto wax munaasibado ah oo axsaabta qaranku leeyihiin.

fihiWareegtada ayaa waxa lagu soo beegay Munaasibad ballaadhan oo xisbiga waddani shalay ku qabsan lahaa Hutel Mansor Berbera, taas oo uu markii dambe u leexiyey dhinaca xaruntiisa Magaalada uu ku leeyahay, waxana loo arkaa in amarkan loola jeedo axsaabta Mucaaridka oo muddooyinkan dambe xukuumadda qaadsiiyey sas dhinaca cududooda ah.

Gudoomiyaha Saaxil waxa uu amarkan u cuskaday qodob ku jiray Heshiiskii Mudaneyaasha Wakiilada ee Guurtidu soo saartay, kaasi oo tilmaamayay inay Asxaabtu joojiso wixii u muuqan kara Olole doorasho inta ka horaysa wakhtiga Ololaha doorashada.

“Sidaasi darteed, iyadoo la tixgalinayo heshiiska Guurtidu soo saartay waxaa dhamaan la farayaa hoteelada ku yaala Magaalada inaan wax xaflad ah oo Ololaysan aan lagu qaban Karin Hoteeladooda” ayaa lagu yidhi Amarka Badhasaabku ku mamnuucay in Hutellada lagu qabto xafladu xisbiyadu leeyihiin.

Waxaa Xusid Mudan in Asxaabtu Mucaaradka ahi ka dib heshiiska Guurtida ay qabsadeen Munaasibado ay ku soo dhaweynayeen taageerayaal iyo Siyaasiyiin balse aan laga horjoogsan oo sidooda loo daayey.

Munaasibadaha Xisbiyadu qabsadeen Heshiiskaas kadib ee aan lagu wada Hadlin ayaa waxa kamid ah midkii dhawaan Masuuliyiinta miisaanka leh ee ay ka mid ahaayeen Boobe, Xamarji, Duur, Xuseen Xoog iyo saraakiisha kale ugu soo biireen Xisbiga waddani oo aanay cidi la Hadlin, balse xukuumaddu isku qoomamaysay Qabsoomidiisa.

Dadka dhaliila siyaasadda Xukuumadda, ayaa sheegaya in wareegtadan looga dan leeyahay in lagu horistaago mawjadaha shacabka ah eek u ququlaya Mucaaridka, taas oo xukuumadda gelisay dareen ah inaan bulshadu u qabin wax xiiso ah oo markale hoggaanka dalka dib ugu soo celin kara.

 

 

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed