|

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Kulan la qaatey masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka

Hargeysa April 26,2012(SDN)-Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ahna Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Rashiid Axmed Maxamed ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyayaasha Shanta degmo ee caasimada oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud isla markaana lagaga wada hadlayay sidii u u qabsoomi lahaa Tartankii Orodada ee Sannad laha ahaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrrinta kulankoodani uu u arko mid qaran isla markaana loo baahan yahay sidii looga midho dhalin lahaa qabsoomida tartanka Waxa uu ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex uu sheegay inuu qoraal u diray Maayarka Caasimada kana dalbaday sidii uu qabashada tartankan iyo wixii dhaqaale ah ee uu u baahan yahay taas oo uu xusay inuu ka aqbalay.

Rashiid Axmed Maxamed waxa uu intaasi ku daray in gobolka Maroodi jeex baalasha uu ku duulo ee u fududeeya hawlgaladiisa maamul ay yihiin mas’uuliyiinta degmooyinka ee kulankaas ku sugnayd waxaanu ku baraarujiyay sidii ay xil isaga saari lahaayeen hirgelinta Tartankan.

Xoghayaha maamulka ee Gobolka Maroodi jeex Xamse Ciise Cabdi ayaa sheegay in hawshan culayskeedu inuu ku dhaco degmooyinka taas darteedna waxa uu xusay inay waajib tahay inay helaan abaal gud ku wajahan sida ay u kala abaabul sareeyaan,isagoo intaas raaciyay inay gobol ahaan mas’uuliyad iska saari doonaan sidii loo heli lahaa dhaqaalaha uu tartanku u baahan yahay.

Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud Cumar Xuseen Mire “Qoob naaje” ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sidii loo bilaabi lahaa tartanka orodada ee sannadlaha ahaa kaas oo sida uu sheegay ay ku jiheeyaan dhalinyarada waxaanu intaas ku daray in qabashada Tartankan ay markii hore ka gacan siin jirtay Shirkada Somtel.

Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdi Xadi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay.

Comments are closed