Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Togdheer laga soo bedelay oo cadeeyay sababha dhawr sanadood Madaarka Hargeysa u xidhnaa
Kalabeydh April 20,2013(SDN)-Guddoomiyaha gobolka Gebiley ee dhawaanta laga keenay Togdheer Ibraahim Yusuf Geedi ayaa shaaca ka qaaday tuhun mudo jiray oo ku xeeran sababha dhabta ah ee Garoonkii Duyuuradaha ee Hargeysa uu u xiran yahay.
Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay xukuumada Somaliland in ay furto garoon ku yaal degmeda Kalabeydh ee dhacda xadka Itoobiya ay Somaliland la wadaagto.
Guddoomiyaha Gebiley ee Togdheer laga soo bedelay ayaa sheegay in Garoonka Kalabeydh ahaa kii ay xukuumadu isticmaali jirtay xiligii dagaalada Sokeeye ay ka socdeen Somaliland.
Hadalkan ka soo yeedhay Guddoomiyaha gobolka Gabilay ayaa cadeynaya jiritaanka qorshe xukuumada Kulmiye ay dooneyso in looga guuro garoonka Hargeysa.
Xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku gudo jirta sanadii sadeexaad ee ay xukunka heysay ayaa Garoonka Duyuuradaha ee Hargeysa uu intiisii badneyd xirnaa.
Xukuumada oo lacago ka badan 10 milyan oo dollar ku heshay dayactirka Garoonka Duyuuradaha ee Hargeysa ayaan cadeyn halka lacagahaasi mareen iyo qorshaha “dayactir” ee Garoonka Hargeysa.
Hadalkan ka soo yeeray Gudoomiyaha Gabiley ayaa dareen xoogan ka dhex abuuray dadka reer Hargeysa ee mudada ka shaki sanaa qorsheyaasha dhabta ah ee xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku wejahan Garoonka Duyuuradaha Hargeysa.
SDN-Kalabeydh
contact@somalidiasporanews.com