|

Guddoomiyaha Degmada SALLAXLEY Oo Ka Warramay Dabley Hubaysan Oo Rasaas ku furtay

Hargeysa (QJ/SDN) – Duqa degmada Sallaxley Shiine Tahar ayaa sheegay in uu ka badbaaday rasaas ay ku fureen dabley ku sugan Goobta lagu magacaabo Xawaalka Waran-cadde oo ka tirsan degmada Sallaxley xilli uu halkaasi kormeer shaqo ku maraayay.

shiine 1

Mudane Shiine iyo wefti la socday oo halkaasi gaadhay maalinkii jimcihii (31,3,2016) la soo dhaafay ayaa sheegay in ay rasaas ku fureen koox dabley ah oo halkaasi ku sugnayd, isla markaana doonaysa in ay halkaasi deegaanno cusub ka sameyso.

Shiine Tahar waxa kale oo uu sheegay In iyagoo hawlahoodii kormeerka ku guda jiray shalay (31/3/2016), kana baxay Tuuladda Bali- Ciise kuna socday Tuuladda Balli Mataan ay rag hubaysan oo dhawr iyo tobani oo laba isu qaybiyey ay si kedis ah ugu rasaaseeyeen Xawaalka Warancade oo marinkoodu ahaa. Shuftaddu waxay rasaasta la beegsanayeen taayirada baabuurka wayna ka badbaadeen isku daygaasi, sida uu sheegay guddoomiyuhu.

Dhanka kale, Guddoomiyaha degamada Sallaxley Mudane Shine Tahar waxa kale oo uu sheegay in ay arrintan ku war-geliyeen Taliska Ciidanka Booliska Somaliland iyo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, balse uu sheegay in aanay illaa hadda waxba ka qabanin arrinkani.

Sidoo kale Shiine Tahar waxa uu sheegay in kooxda Dableyda ah ee weerarka kusoo qaaday uu ka mid ahaa nin horay deegaannadaasi falal amni darro uga gaystay, isla markaana uu ninkaasi gacanta dowladda ku jiray kuna ogaa, balse uu sheegay in aanu garanayn xilliga ninkaas lasoo daayay.

Ugu danbeyntii, Guddomiyaha degmada Sallaxley Mudane Shiine Tahar oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu sheegay in weerarka lagu soo qaaday uu ahaa mid qorshaysan isla markaana lala socday dhaq-dhaqaaqiisa.

Comments are closed