Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Ummadda ka Tacsiyadeeyay Geeridii ku timi Xildhibaan Prof Maxamed Faarax Jimcaale
Muqdisho June 21,2013(SDN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ummada Soomaaliyeed ka Tacsiyadeeyay Geeridii naxdinta laheyd ee kutimi Xildhibaan Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo Xalay Muqdisho ku geeriyooday.
“INAA LILAALIHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan rabaa inaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diro Allaha u naxariistee Walaalkeen Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka kaasi oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho,runtii waa geeri naxdin leh”
“waxa uu ahaa Xildhibaanka geeriyooday xildhibaannada ugu fir fircoon ee Baarlamaanka waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa jano, si gaar ah anigoo ku hadla magaca Golaha Shacabka waxaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey marxuum Maxamed Faarax Jimcaale”Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Xildhibaan Prof Maxamed Faarax Jimcaale ayaa xanuun ku soo booda ah u geeriyoodey habeenimadii Xalay.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa ashqaasta caanka ku aheyd masraxa siyaasadeed ee Soomaaliya mudadii afartanka sanadood aheyd ee u danbeysay.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com