Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo ka hadlay wareegto shaqadooda saamaysay oo uu soosaaray wasiirka Duulista Hawada Somaliland
Hargeysa 14, April 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mr. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in wareegto uu wasiirka Duulistu soosaaray lagu joojiyo hawshii laanta Baanka ee madaarka caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyaha oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in wasiirka Duulistu wareegto uu soosaaray ku joojiyay lacag 30 doolar ah oo laanta Baanka ee madaarku dadka dhoofaya iyo kuwa soo degaya ugu sarifi jirtay qadar lacageed oo dhan 4500 halkii doolar, marka uu qiimaha safirka caadiga ahi yahay 6000 kun halkii doolarba, taasoo uu sheegay inay ku timi go’aan xukuumaddu qaadatay oo la xidhiidha in aanay arrintaaasi haboonayn.
Inkastoo guddoomiye Dirir sidaa ku dooday, haddana waxa jirtay in warbaahinta gudaha qaarkood joojinta lacagtaas u sibir-saareen khilaaf soo kala dhex galay madaxda Baanka Dhexe iyo wasaaradda Duulista Hawada Somaliland. “Baanku waxa uu qaadi jiray lacag soddon dollar ah oo uu ka qaadi jiray dadka soo gala dalka ee garoonka diyaaradaha ka soo dega. Dawladu siyaasad ay ka midaysan tahay ayay ku joojisay 30-kaa dollar ee Baanku qaadi jiray, taasoo is bedel lagu sameeyay madaarka ay keentay,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Hase yeeshee, waxa uu sheegay in laantii Baanku ku lahaa madaarka aan la xidhin, isla markaana markaana ay laantaasi si caadi ah u wadi doonto sarifka lacageed ee dadka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya madaarka Hargeysa. “Caalamka ma jirto madaar aanu baan joogin, markaa Baanka dhexe ee Somaliland kama tegin madaarka Hargeysa iyo kuwa kale ee dalkaba,” ayuu raaciyay.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com