Guddoomiyaha Baanka Dhaxe ee Somaliland oo Ka Hadlay Sicir-bararka iyo Korodhka Ku Yimi Sarifka Lacagaha Qalaad DAAWO
Hargaysa 14. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Baanka dhaxe ee Somaliland Md.Maxamed Cabdi Dhoobaale, ayaa ka hadlay waxyaabaha sababta u ah sicir-bararka xadhkaha goostay ee ka taagan dalka, waxaana uu tilmaamay in abaarahii dalka ka jiray ay kow ka ahaayeen sicir bararka iyo weli ba sida oo kale dhoofkii xoolaha oo hakad galay.