Guddomiye Cirro Oo Cadaadis Xisbigiisu Saaray Uga Baxay Heshiis Uu Hore u Ogolaaday Oo Lagu Saxeexi Lahaa Muddo-kodhin Laga Midaysan Yahay Oo Xukuumadda Loo Sameeyo
Hargeysa:May,09,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa qaaddacay, kana Baxay heshiis is afgarad oo hore uu ula galay Labada Xisbi ee Ucid iyo Kulmiye, kaas oo salka ku hayey in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo loo ogolaado Muddo-kordhin Sanad iyo lix Bilood ah oo Xisbiyada oo dhami raalli ka yihiin.
Tallaabada Muddo-kordhintaas la iskula afgartay oo hore loogu soo heshiiyey, isla-markaana loo ballansanaa in Hoggaanka Saddexda Xisbi maanta ahaan Guddida Golaha Guurtidu Muddo-kordhinta u xilsaaray loo gudbiyo si ay Go’aankooda ugu saleeyaan, ayaa, ayaa dhinaca Xisbiga waddani iska Beddeshay, waxana ay hoggaankoodu diideen inay Hotyimaaddaan Xubnaha Guurtida ah oo Maanta la Ballansanaa Dhammaan Xisbiyada.
Madasha Lagu ballansanaa waxa yimi kaliya Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, waxana ay eedda Hoggaanka Xisbiga Waddani ku eedeeyeen inuu kaga baxay Wax hore loogu heshiiyey oo sida ay sheegeen danta qaranku ku jirtey.
Guddoomiyaha Xisbiga waddani Mudane Cirro, oo isaga iyo Xubno kooban oo Xisbigiisa ahi markii hore ogolaadeen inay Heshiiskaas galaan, ayaa cadaadis badan kala kulmay Gudaha Xisbiga, waxana la sheegayaa in lagu khasbay inaanu Gelin wax heshiis ah oo xukuumadda Cimrigeeda lagu sii dheeraynayo.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Madaxda kala duwan ee Xisbiga Waddani Guddoomiyahooda ku qanciyeen inuu arrintaas dib uga baxo, isla-markaana ka Hadho ogolaanshaha labada xisbi ee Kale ku doonayaan Muddo-kordhinta Sanadka iyo Badhka ah ee Xukuumadda la siinayo.
Mudane cirro waa uu iska diiday inuu Kulankaas Saaka lagu sugayey kasoo xaadiro, waxana la sheegayaa inuu shirar kala duwan la leeyahay Hoggaanka Xisbigiisa, isla-markaana ay saacadaha soo socda soo saari doonaan Mawqifka Xisbigooda ee arrintan ay ka taagan yihiin.
Sidoo kale waxa la filayaa inuu gees iskaga duwi doono Eedo haatan labada xisbi ee kale ugu soo jeediyeen inuu danta qaranka kasoo horjeedo, isla-markaana diidan yahay arrin uu markii horeba isagoo xor ah ogolaaday.
Wixii warar ah ee arrintan ku saabsan kala soco wararkayaga dambe
SN/QJ