Guddomiyaha ururka Wadajir Md Aadan Dhoolayare oo hambalyeeyay Xukuumada Somaliand,baaqna u diray beelaha oodwadaaga ah ee ku dagaalamay Ceelberdaale(DHEGEYSO)
Ottawa Dec 07,2011(qurbejoog.com)-Wasiirkii hore ee wasaarada Beeraha Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha Ururka siyaasiga ah ee Wadajir Md Aadan Axmed Cilmi Dhoolayere ayaa wareysi uu siiyay Bartan Internetka ee Somalidiasporanews waxa uu uga waramay shaqaada dib uga soo cusboonaatay aaga Ceel berdaale.
Guddoomiyuhu waxa uu xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku amaanay tilaabada xilkasnimada iyo geesinamada leh aqaaday si nabada loo sugo.
Sidoo kale Guddomiyaha Ururka Siyaasiga ah ee Wadajir Md Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha wiilka iyo abtigiisa ee ood-wadaaga ah ee colaadu dhex martay waxaanu ku adkeeyay in mushkilada ay xal waara u helaan.
Qurbejoog-Ottawa