Guddiyada Maamula Biyaha ee Gobolada Togdheer iyo Dadmadheed oo Tabar u furmay
Hargeysa April 22,2012(SDN)-Tababar socon doona muddo afar cisho kuna saabsan gudida maamulka biyaha kana qeyb galeen xubno ka kale socday tuulooyinka cabdi dheere,bali muumin,iyo harada gumbatixil oo ka kale tirsan gobolada daadmadheedh iyo togdheer ayaa maanta lagu qabtey huteel maansoor ee magaalada hargeysa.
Tababarkan oo ay fulinayaan ururka sohasco isla maarkaana ay maalgelisey hay’ada ceritas waxaa ugu horeyn ba ka hadley gudoomiyaha ururka sohasco Saleeban Faarax Habane waxaanu ka waramey ujeedada tababarkan isagoo sheegay in maadaama biyuhu yihiin nolosha kowaad ee bani-aadamka loo baahan yahay sidii kor loogu qaadi laha tayadooda gaar ahaana isticmaalkooda ,gudoomiyuhu wuxuu ku booriyey ka soo qeyb galayaashii tababarkaasi in mudada uu socdo ay ka faa’iieystaan casharada halkaasi lagu bixinaayo
Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadley maxamed yuusuf oo ah sarkaal ka socdey haayada cerites Isagoo sheegay in tuulooyinka intooda badan laga heli karo biyo ku filan,waxaanu xusay inay dhibaato noqotey maamulkii biyuhu oo aaney bulshadu fahansaneyn sidii loo maamuli lahaa ama loo isticmaali lahaa,waxaanu intaasi ku darey sarkalkaasi in tuulooyinkaasi ay ka furi doonaan xafiisyo dabagal ku sameeya habka hawsha maamulka biyuhu sida ay u hirgasho.
SDN-Hargeysa