|

Guddiyada Baarlamaanka J.Soomaaliya Oo Maanta Jeediyay Warbixino Xasaasi Ah

Muqdisho April 17 2013 (SDN)— Kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya warbixinana looga dhageesanaye guddiyo kamid ah Baarlamaanka ayaa waxaa warbixino xasaasi ah soo jeediyay guddiyadaasi kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiyada ugu muhiimsan ee warbixinada soo jeediyay ayaa waxaa kamid ah Guddiga amniga iyo arimaha gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga garsoorka awqaafta iyo arimaha diinta oo ka hadlay xaaladaha ammaanka iyo Garsoorka dalka.

Xildhibaan Xasan Cismaan Xasan Qoryooleey oo ku hadlaye magaca guddiga garsoorka ayaa sheegay inay booqasho ku tageen xabsiga dhexe ee Xamar,halkaasi oo ay ku arkeen xaalado kala duwan oo haysata maxaabiista xabsiga dhexe,isaga oo soo jeediyay in 248 maxaabiis oo xabsiga ku xiran arintooda sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu eego.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah guddiga arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo isna halkaasi warbixin ka jeediyay ayaa sheegay in guddigooda uu ku mashquulsanaa arimo xasaasi ah oo ay kamid tahay dhacdooyin Muqdisho ka dhacay oo la xiriira dhanka ammaanka kuwaasi oo ay kamid ahaayeen maxaabiistii dhawaan xabsi Dowladda ay maamusho lagala baxay iyo nin la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka nabadsugida oo isku qarxiyay Muqdisho,taasi oo sida uu sheegay si kala duwan uga hadleen Wasiirada arimaha gudaha iyo warfaafinta.

Guddiyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay jeedinayeen warbixino la xiriira howlaha ay qabtaan guddiyadooda.

SDN-Muqdisho

Comments are closed