Guddiga Somaliland u metelaya wejiga hore ee wada-hadalada Soomaaliya oo beri dalka ka dhoofaya, yaase ka qaybgalaya wejiga labaad?
Hargeysa 16, June 2012 (Qurbejoog.com)- Guddiga Somaliland u metelaya wada-hadalada Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay Axadda beri ka dhoofaan dalka, si ay uga qayb-galaan wada-hadalada labada dhinac.
Wada-hadalkan oo ah kii u horeeyay noociisa ee 21 sannadood ay isku-hor fadhiistaan Somaliland iyo Somalia, waxa sida la qorsheeyay uu 21-ka bishan aynu ku jiro ee June oo Khamiista soo socota ku beegan uu ka furmi doonaa magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Guddigan oo ah kii labaad ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabo wada-hadalka labada dhinac, waxay kala yihiin; guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe, wasiirada Khaarajiga Maxamed Cabdullaahi Cumar, Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan iyo Shaqada iyo arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Bare (Garaad), kuwaasoo Madaxweyne Siilaanyo magacaabay Khamiistii aynu ka soo gudubnay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in guddigan shanta xubnood ahi ay gelinka hore ka dhoofi doonaan madaarka magaalo-xeebeeda Berbera, maadaa uu xilligan xidhan yahay duulimaadyada diyaaradeed ee madaarka caasimadda Hargeysa oo dib-u-dhis lagu wado.
Guddigii hore ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay 8-dii bishii April ee aynu ka soo gudubnay, waxay hawshoodu hakad gashay markii Somaliland qaadacday guddiga dawladda TFG u soo magacowday wada-hadalada, oo ay ku jiraan laba wasiir oo Puntland ah, dhalasho ahaana ka soo jeeda gobollada bari ee Somaliland.
Guddiga uu Madaxweynuhu Khamiistii magacaabay, waxa lagu tilmaamay kuwo ka tarjumaya qaranimada Somaliland, maadaama guddigii hore ay dhinacyo kala duwani ku naqdiyeen in xukuumaddu isku koobtay, inkastoo ay jireen dhinacyo kale oo ku naqdiyay in guddigaa hore oo iyana shan xubnood oo wasiirada ka tirsan ka koobnaa in aanay aqoon u lahayn hawshii loo xilsaaray. Guddigan cusub, waxa ku jira guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah labadii murashax ee Siilaanyo kaga guulaystay doorashadii Madaxtinimada June 2010. Guddoomiyaha UCID waxa uu tan iyo shirkii London ee bishii February 2012 u muuqday mid ay aad isugu dhaw yihiin Madaxweyne Siilaanyo. Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu mar sii horaysay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ahaa masuulkii keliya ee intii qorshaha wada-hadalka hakadku ku yimi sii waday kulamada iyo xidhiidhada wada-hadalada labada dhinac.
Ilaa hadda ma cadda in Madaxweynaha dawladda TFG Shariif Sheekh Axmed uu wax-ka-bedel ku sameeyay guddigii ay hore Somaliland u qaadacday.
Xukuumadda Somaliland waxay ku dooday in wada-hadalka labada dhinac aan gorgortan lagu gelin doonin gooni isu-taaga Somaliland, taasina waxay noqotay mid su’aal ka dhex dhalisay bulshada. Dadweynaha goobaha lagu kulmo ku faaqiday arrintan, waxay is dultaageen sababta ay xukuumaddu ugu degdegtay go’aankeeda, iyadoo aan wada-hadalkuba furmin, waxayna su’aal geliyeen, waxyaabaha ay la shir tegayso, maadaama ay sii qadintay go’aankeeda.
Dhinaca kale, waxa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu wejiga labaad ee wada-hadalka ka qaybgali doono, iyadoo dhinaca Somalia uu ku soo biiri doono Madaxweyne Shariif oo ay kulankaas wejiga dambe toos isu hor fadhiisan doonaan.
Inkastoo aanay xukuumaddu ka hadal arrintaas, haddana waxa la sheegay in wejiga labaad Madaxweyne Siilaanyo kulan ku waajihi doono Sheekh Shariif.
Wejiga koowaad ee wada-hadalka labada dhinac, waxa qorshuhu yahay inuu Khamiista soo socota ka furmo magaalada London ee caasimadda dalka Britain oo marti-gelisay shirkii 21 February loo qabtay dhinacyada Soomaaliya.
Ilaa hadda ma cadda waxa ka soo bixi doona wejiga koowaad ee wada-hadalka 21 sanadood ka dib u furmay dhinacyada Soomaalida.
Hase yeeshee, waxa la sheegay in wejiga labaad ee Madaxweyneyaashu ku kulmayaan uu ka dhici doono magaalada Doha ee dalka Qadar oo ka mid ah dalalka Carbeed ee aan qarsan danayntooda midnimada Soomaaliya.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com