Guddiga Doorashooyinka oo Qoraal u diray Madaxweynaha Somaliland iyo nuxurka baaq muhiim ah oo ay soo-jeediyeen
Hargeysa 11, March 2013 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in loo hawlgalo hirgelinta diiwaangelinta kahor doorashooyinka dalka.
Guddoomiyaha KDQ Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo horaantii bishan qoraal ku socodsiiyay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu tilmaamay waxyaabaha qabyo-tirka u baahan, si loo hirgeliyo diiwaangelinta ka hor doorashooyinka soo socda oo iyaga laftoodu u muuqda in halmar la wada qaban doono. Qoraalkaas oo uu ogaysiin siiyay Shirguddoonada labada gole ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda, wuxuu u dhignaa sidan; “Mudane Madaxweyne; sida aad ku war qabtid waxa sharci ah in doorashooyinka soo socda lagu galo diiwaangalin, sidaas awgeed waxa loo baahan yahay inay ka wada socdaan qaban-qaabada dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka oo kala ah; Axsaabta Qaranka, Xukuumada, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Deeq-bixiyayaasha iyo goleyaasha Sharci-dejinta.
Arrintan oo u baahan qabyo tir xaga sharciga ah iyo xaga dhaqaalahaba ah, una baahan si loo qorsheeyo muddo ka hor intaan waqtigu ina soo gudogalin, hadana sida ugu dhakhsaha badan si gaar ah looga talogaliyo qorshaynta iyo qiimaynta khubaro caalami ah, lana wargaliyo Deeqbixiyayaasha, si ay ugu darsadaan go’aanka iyo qoshayntaba miisaaniyadooda waqti ku filana u helaan, loona baahanyahay qoraal wargalin iyo qorshaynba in loo gubiyo hadda.”
Qurbejoog.com, Hargeysa