Guddiga doorashooyinka oo markii u horreysay ka hadlay khilaafka Muddo-kordhinta & bilawga diiwaangelinta Codbixiyeyaasha DAAWO
Hargaysa 19.July 2015 (SDN/QJ)- Guddiga doorashooyinka Qarnaka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana shaaciyey xilliga rasmiga ah ee ay bilaabmayso diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, iyagoo xusay inaanu khilaafka siyaasiga ah ee muddo-kordhinta Guurtida iyo Heshiiska Xisbiyada oo aan weli dhinacna la isla-dhigin.
Shan Xubnood oo ka tirsan toddobada Xubnood ee Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sharraxaad ka bixiyey arrimahaas oo ay sheegeen inay Guddi ahaan door dhex-dhexaad ah ka qaadan doonaan khilaafka taagan, iyo sidoo kale bilawga diiwaangelinta, wacyigelinta diiwaangelinta iyo sida ay ugu baahan yihiin in lagala shaqeeyo sidii ay diiwaangelintu si sax ah ugu qabsoomi lahayd, isla markaana ay soo dhawaynayaan cid kasta oo maskax, talo, toosin iyo tusaale wax lagu hagaajinayo siin karta ama ku caawin karta.
Warbixinta Shirka Jaraa’id ee ay Xubnaha Guddiga doorashooyinka oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddigaas, ay Axaddii Maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa iyo waxa ay kaga hadleenba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan oo Wanaagsan:-