Guddiga dhismaha waddooyinka Awdal oo lacag loogu deeqay
Boorama 05.Sep 2013 (SDN)- Jaaliyadda haweenka Soomalida ee ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa lacag dhan 950 dollar ugu deeqday howsha dhismaha jidka isku xira deegaanka Cali Xeyr iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal.
Lacagtan oo lagu wareejiyey guddiga gacanta ku haya hawsha dhismaha jidka, taasoo ay iska soo ururiyey xubnaha jaaliyadda haweenka ee dalka Ingiriiska.
Suldaan Abshir Maxamuud Ducaale oo ka tirsan guddiga dhismaha jidkan ayaa sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay kharashka ku baxaya dhismaha waddada, isagoo uga mahad celiyey jaaliyadda deeqda ay soo direen.
Suldaanka ayaa ka codsaday qurbajoogta Soomaalida ah in ay ka qeyb qaataan dhismaha waddada, isagoo sheegay in dhismahani uu muhiim u yahay isu socodka gaadiidka isaga kala goosha gobolka Awdal.
Borama SDN.
Qurbejoog.com