|

Guddiga Somaliland uga qaybgalaya wada-hadalada Soomaaliya oo dalka ka dhoofay, kana hadlay qorshaha wada-hadalka iyo cida soo qabanqaabisay

Hargeysa 17, June 2012 (Qurbejoog.com)- Guddiga dhinaca Somaliland uga qaybgalaya wada-hadalada Soomaaliya, ayaa maanta dalka ka dhoofay, iyagoo sii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban, waxay 21 bishan aynu ku jiro magaalada London kaga qaybgalayaan wejiga koowaad ee wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka hor intii aanu weftigu ambabixin warbaahinta la hadlay, waxa uu ka waramay qaabka shirkaas 21-ka Juun furmayaa u dhacayo, wuxuuna sheegay in wada-hadalku daba socdo go’aamadii ka soo baxay shirkii Soomaaliya ee horaantii sannadkan lagu qabtay London.

Waxa kale oo uu xusay in shirkan 21-ka bishan furmayaa uu yahay mid hordhac ah oo ay soo qabanqaabiyeen Ingiriiska iyo Norway. Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkaa ay Somaliland guddiga ka socda dawladda Soomaaliya uga caddayn doonto mawqifkeeda siyaasaddeed oo uu ku micneeyay ‘wixii ay shacabka Somaliland go’aansadeen 1991-kii.’

Guddiga dhinaca Somaliland wada-hadalka Soomaaliya wejigiisa koowaad uga qaybgalaya oo Madaxweyne Siilaanyo dhawr maalmood ka hor magacaabay, waxay kala yihiin;

1-Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Dr Maxamed cabdilaahi Cumar.
2-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md.Baashe Maxamed Faarax.
3-Gudoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali Waraabe
4-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X Xasan
5-Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad).

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed