|

Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo Su’aalo Weydiiyey Wasiirka Maaliyadda & Xisaabiyaha Guud DAAWO

WASIIRKA-WASAARADDA-MAALIYADDA-SOMALILAND-SAMSAM-CABDI-AADAN1Hargaysa 13.Dec 2015 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Wasaaraddaas qaarkood iyo Xisaabiyaha guud ee Qaranka, ayaa hor-tegay Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo Su’aalo kala duwan ka weydiiyey Miisaaniyad-sannadeedka 2016-ka oo toddobaadkii hore Wasiirku u gudbisay Golahaas.

Kulanka dhex-maray Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo albaabbadu u xidhnaayeen kuna qabsoomay xarunta Baarlamaanka, markii uu dhammaaday ka dib waxaa Saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Xildhibaan Cumar Sanwayne iyo Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan.

Hadallada ay halkaas ka jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Samsam Cabdi Aadan iyo Xildhibaan Cumar Sanwayne, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed