Guddidii Sixir Bararka Iyo Go’aamadii Madaxwayne Siilaanyo Oo Madhalays Noqdey+Adeegyada Shirkadaha Oo Sidoodii Ku Socda Iyo Fulin La’aanta Xukumada
Hargaysa 29. March 2017 (SDN/QJ):- Guddidii madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Sixir bararka ayaa noqday kuwo magac u yaal ah aan wax ay qabtaan haba yaraatee aan jirin, iyada oo dhanka kale go’aamadii Madaxwayne Siilaanyo Wareegtada ku soo saarey in Shirkadah E,Dahab iyo Zaadku adeegooda ka saaraan wixii ka yar 100$ doolar ay waxba kama jiraan noqdeen,iyo waliba xadidaada saraifka lacagta Doolarka.
Shacabka Somaliland ayaa waxa ay jah wareer ka qaadeen go’aamo jilayca Madaxwayne Siilaanyo iyo Xukumadiisa iyada oo sidoo kale ay gar waaqsadeen in shirkadah Ganacsiga ee Dahabshiil iyo Telesom ay leeyihiin awooda koobaad ee dalka isla markaana ayna waxba ka socon Karin Madaxwayne ilaa Wasiir Go’aan aan dhankooda dan u ahayn.
Dhinaca kale Guddida sicir bararka uu siiraanyo magacaabey ayaa maray Dariiq ay hore u mareen gudiyo Badan oo uu magaacaabay Madaxwaynuhu balse aan la ogayn halka ay ku dambeeyeen
Bulshada ayaa wali la dhibaataysan Sicir bararka dalka iyada oo Lacagta Qalaad ee Doolar lagu sarifo hadba wixii la doono iyada oo meesha uu ka baxay waregtadii Madaxwanuhu ku soo saarey in halkii Doolar lagu sarifo lacag dhan 7000 shilin gacanta dambena lagu sarifo 7500 oo shilin.