|

Guddidii Loo Xilsaaray Shaqaaqadii Deegaanka Qararro Oo Soo Saaray Qodobbo Kama Dambays ah

Qararro:18-Oct-2013(SDN)-Guddidii loo xilsaaray shaqaaqadii dilka gaadhay ee ka dhacday Deegaanka Qararro ee deegaanka Caynabo, ayaa ugu dambayntii soo saaray qodobbo laga sugayey oo arrinta lagu soo af-meerayo.

Guddi-75x50Guddidan oo ka kooban cuqaal, wax-garad, salaadiin iyo dadkale oo caan ku ah suluxa iyo isu soo dhaweyn Bulshada, ayaa muddo ka dib ku dhawaaqay inay arrintii loo diray ka soo saareen qodobbo gundhig u ah samir laga qaato wixii ka dhacay halkaas ee dhib ahaa.

Guddida oo saxaafadda kula hadashay isladeegaankii dhibku ka dhacay, ayaa sheegtay inay Qoddobo ay u arkaan in arrintan lagu daweeyo ay ugu dambayntii gaadheen, kuwaas oo bud-dhig u noqon kara in laga samro Dilkii dhacay, islamarkaana dhibibada loogu aaso Nabad iyo degenaansho Hor leh oo Deegaanka lagu soo dabbaalo.

Afhayeenka Guddidan Cali Caddaani Cali oo Madal ay goob-joog ka ahaayeen Maayarrada Gobolada Togdheer iyo saraar kaga dhawaaqaya qoddobada ay Guddi ahaan isla garteen, ayaa Hoosta ka xarriiqay Qoddobadan.

Markaanu arrintii rogrognay ee aanu meelo badan ka eegnay, islamarkaana muhiimadda siinay Nabadda iyo wada noolaanshaha labada Beelood ee Walaalaha ah, waxana soo saarnay Qodobadan:

1-dilkii ka dhacay qararro ee uu ku dhintay cali maxamed cismaan, waxanu ka xukunnay150-halaad oo u kala dhigan $100 dhogor ah  50-halaad oo lacag ah, hashiiba  $300 dollan

2-Magta waxa Bixinaya afarta reer ee dagaalkaas ka qayb qaatay ama la bidayo inay ka qayb qaateen

3-muddada Magta lagu bixinayaa waa  Mudo bil ah.

4-Ninkii Booliska ahaa ee shaqaaqada ku dhaawacmayna waxa qaba Afartaa reer ee Dagaalka loo tuhmayo inay qayb ka ahaayeen.

Maayarrada Gobolada Togdheer iyo Saraar oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay maamul ahaan ku dedaali doonaan in heshiiskaas sidiisa u meel maro, islamarkaana ay ka Go’an tahay inay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo ka hortimaadda qoddobadaas la soo saaray.

 

 

S.DN.

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed