|

Guddidii Dhexdhexaadinta Garabyada Kulmiye Oo Faro Madhan Kala Yimi Madaxtooyada iyo Kala Fogaanshihii oo Sii Ballaadhay

Hargeysa:May,30,2014(SDN/QJ)-Guddidii Dhexdhexaadinta Labada Garab ee Kulmiye ayaa la sheegayaa inaanay wali wax natiijo ah  ka Haynin Garabka ay madaxtooyadu wadato xilli ay foodda inagu soo Hayso Wakhtigii ay labada dhinac u ballameen in Shirarkooda ay qabsanayaan.

wwaraaSida aanu ku helnay  Warar lagu Kalsoon yahay, Xubnaha Dhexdhexaadinta oo uu hoggaaminayo Oday Cabdi waraabe ayaa shalay Gelilkii dambe ku noqday Madaxweynaha si ay arrinta mar kale ugu jilciyaan, waxase ay kala kulmeen waji gabax, kadib markii uu u sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu tanaasul sameeyo.

Xubnahan ayaa la sheegayaa inay madaxweynaha ku adkeeyey inaanu taariikhdiisa iska xumayn, una daneeyo dadkiisa iyo dalkiisa, balse Madaxweynuhu ma garawsan wixii ay wadeen oo ahaa inuu ka aqbalo wixii ay soo jeediyaan sida uu garabka Muuse Biixi-ba uga aqbalay.

Xubnahan ayaa faro madhan kala soo baxay Madaxtooyada, waxana loo sheegay in Haddii ay Garabka kale Tanaasul ka wadaanna ay badka keenaan, haddii kalena ay arrinta faraha ka qaadaan.

Dhexdhexaadiyayaashan  ayaa la sheegay in qaarkood kaba damqadeen Jawaatii ay madaxweynaha ka heleen, balse kama ay fal celin oo dulqaad ayey ku dhaafeen.

Natiijo-xumada kooxdan ku timi ayaa keentay in Guddoomiye Muuse Biixi ku dhawaaqo Golihii dhexe ee Xisbiga, kuwaas oo Shirkoodii lagu wado inuu Berri ka furmo Magaalada Hargeysa.

 

Sidoo kale Shirweynaha Garabka ay xukuumaddu wadato, ayaa loo Ballansan yahay Kowda Bisha oo Axadda ah, waxana sii kala fogaanaya Labada garab ee  damacu kala fogeeyey.

 

Ma muuqato cid kale oo natiijo ka keeni karta isku day kasta oo dhexdhexaadin lagu raadinayo, iyadoo sababtuna tahay Hoggaankii dalka oo aan ogolayn inuu danta qaranka u tanaasulo.

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa isaga laftiisu ka ficil qaadanaya  Ficilada kaga imanaya Madaxtooyada, kuwaas oo lagu kala dhantaalayo Guddiyada uu magacaabay.

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed