Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Furtay Qandaraaska Keenista Daamurka Waddooyinka Oo Tartan Loo Galay
Hargeysa:Sep,08,2014(Himilo)-Guddida Qandaraasyada qaranka Somaliland, ayaa daaha ka fayday Qandaraaska Keenista Daamurka Wadooyinka oo ay hore u baahisay qandaraaska Keenistiisa.
Qandaraaska Keenista Daamurka waddooyinka ee Guddidu Baahisay, ayaa waxa Soo Gudbisay Hay’adda Wadooyinka oo iyadu gacanta ku Haysa Dhismayaasha Waddooyinka, waxana shalay lagu baahiyey Madal ay fadhiyeen Shirkado soo dalbaday inay ka qaybgalaan Qandaraaska daamurka lagu keenayo.
Munaasibadii qandaraaska Furistiisa lagu baahinayey oo lagu qabtay Xarunta Guddida Qandaraasyada qaranka, isla-markaana ay kasoo qaybgaleen Madax kala duwan oo ka kala socotay Hay’adaha Wadooyinka iyo Qandaraasyada, Shirkado tartan u galay Helidda Qandaraaska Daamurka Xukuumaddu u baahan tahay iyo Marti-sharaf kale, ayaa lagu soo bandhigay Siyaabihii ay cidda hungurigu ka Galay Keenista Daamurkaasi usoo gudbiyeen qorshahooda.
Daamurka Keenistiisa hore tartanka loo geliyey, isla-markaana ganacsatadii ka qaybgashay loogu soo bandhigayey qiimayaashii ay soo gudbiyeen, ayaa tiradiisu dhan tahay 25000-kun oo foosto oo loogu talo galay in Waddada Ceerigaabo lagu dhamastiro, iyadoo Halkaas laga yeeshiyey, qoraallna lagu sameeyey dhammaanba Qiimayaashii ay ganacsatada kala duwani kusoo gudbiyeen inay Daamurkaas ku keeni doonaan.
Qandaraaska Cidda awood u leh inay Keento Daamurka Waddooyinka Dalka la gelin doono, ayaa Waxa la baahiyey Muddo Sagaal cisho ah oo ka bilaabmaysay 28-kii Bishii Augost ee dhamaatay, kuna ekayd 7-dii bishan, iyadoo 14-shirkadood qandaraaska marka hore qaateen, balse waxa soo xareeyey qiimayaashii iyo nidaamkii ay wax u keenayeen 12-shirkadood oo ka mid ah shirkadihii hore u qaatay qandaraaska.
Guddoomiyaha Guddida Qandraasyada qaranka Aadan Axmed Nugaal oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay Hawsha qandaraaska iyo Nidaamka ay wax u doonayaan,
“Maanta waxaynu u fadhinaa daaamurkii ka qaybgeli lahaa dhismaha waddada Ceerigaabo, waxana aanu doonaynaaa inaanu idinku tartansiino 25000-kun oo foosto, tartankana waxa ugu muhiimsanaanaya Qiimaha, laakiin waanu ka daba tegaynaa oo baadhaynaa inuu awooddaas leeyahay iyo inuu dilaal yahay, waana nidaamka lagu bixiyo qandaraasyada, waxa kale oo muhiim ah Nooca la keeni doono.” Ayuu yidhi Aadan Axmed Nugaal.
Sidoo kale waxa isaguna Goobta lagu furayey Qandaraaska Daamurka ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Somaliland Xasan Cismaan Cali, waxana uu si weyn ula dhacay Daahfurnaantii Qandaraaska, isagoo sheegay in shuruudo badani ku hoos jiraan Qiimaha la doonayo in lagu keeno Daamurka,
“waa markii iigu horaysay ee aan arko qandaraas la furayo, waxana muuqata inuu si fiican u daahfuran yahay, waxanu meesha ku soo qornay Waxyaabo khaas ah (specifications), markaad keentana waxanu xaq u leenahay intaadan wada keenin inaanu soo baadhno Muunad oo aanu addis ababa u dirno, marka lasoo caddeeyo inuu daamurkaasi yahay kii saxda ahaa, ayuun baan anigu qandaraaskaaga saxeexayaa, waxana ay taasi meesha ka saaraysaa dilaalkii iyo ciddii dhexda ku jirtey” ayuu yidhi Guddoomiye Xasan.
Goobta lagu furayey waxa fadhiyey, isla-markaana la socday dhaqdhaqaaqyada iyo hannaanka wax loo soo gudbiyey Dhammaanba shirkadihii qandaraaska ka qaybgalay, waxana hortooda lagu tusay qiimayaashii ay soo gudbisteen si ay u keenaan Daamurka Loo Baahan yahay.
Ugu dambayntii waxa halkaas lagu yeedhiyey Qiimayaashii ay soo qorteen shirkadihii ka qaybgalay Qandaraasku, waxana ugu qiimo hoosaysay Shirkadda AMAL Services oo soo qoray inay Daamurkaas ku keeni doonto Qiime dhan $109.50 foostadiiba.
Waxa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo shirkadda sida rasmiga ah ugu guulaystay Qandaraaska Daamurka, iyadoo haatan wixii kadambeeya baadhitaano lagu sii samayn doono Shuruudaha kale ee shirkadda ugu qiimaha Hoosaysa Qandaraaskan, maadaama ay jiraan shuruudo tiro badan oo ku hoos jira Qiimaha ugu hooseeya oo tixgelin la siini doono.
SDN/QJ