Guddida Qabanqaabada Shirka Dood Qaran Oo Kulan La Yeeshay 150 Xubnood Oo Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Dalka
Hargaysa 18.Nov 2013 (SDN)- Guddidii dhawaan Axsaabta qaranku u magacawday qabanqaabada Shirka Dood qaran ayaa xarunta guud ee xisbiga WADDANI kulan kula yeeshay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha dalka halkaas oo lagu sameeyey Guddiyo dhallinyaro oo guddidan Xisbiyada Mucaaridka ah kala shaqayn doonta shirweynaha la baxay Dood Qaran.
Kulankan Guddida qabanqaabada shirweynaha Dood qaran la yeesheen ardayda wax ka barata qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka oo tiradooda dhammayd ilaa 150 arday ayaa matalayay deegaamada dalka oo dhan kuwaasi oo guddida su’aalo badan kulankaasi ku waydiiyay iyaga oo labada dhinac ka wada hadleen sidii dhallinyaradu door uga qaadan lahayd shirkan Axsaabta Mucaaridku dhawaan kala soo wareegeen Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.
Xubnaha Guddida qabanqaabada shirweynaha Dood-qaran Maxamed Cismaan Fadal, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte iyo Marwo Faadumo Siciid ayaa ardayda kala hadlay sidii dhallinyaradu door weyn ugu yeelan lahayd doodda qaran ee Axsaabta Mucaaridku wadaan si ay u soo baxaan talooyin lafo gur ah oo ka iman doona Aqoonyahanka dalka maadaama dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta shacabka Somaliland.
Qaar ka mid ah Ardayda kulankan ka qayb galay ayaa loo qaybiyey guddiyo hoose oo shirkaasi la qaban qaabin doona guddida Xisbiyada Mucaaridka ah waxaanay xubno ka mid ah ardaydaasi oo halkaasi ka hadashay sheegeen in ay diyaar u yihiin wada shaqayn dhex marta guddida. Si kastaba ha ahaatee Guddida qabanqaabada shirweynaha Dood Qaran ayaa dardar geliyey hawsha loo igmaday iyaga oo maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu hawlanaa arrimaha la xidhiidha masuuliyaddooda. Dhinaca kale xukuumadda Somaliland oo hore iyadu u qaadacday qabanqaabada shirweynaha Dood qaranee Axsaabta Mucaaridku ku baaqeen ayaan wali wax tallaabo ah qaadin si gaar ahna isha ugu haysa geeddi socodka hawshaasi, iyada oo aan la ogayn tallaabada ay kaga hor tagi doonto shirkaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com