Guddida Nabadgalyada ee Aqalka Golaha Guurtida Oo Ka Tacajabay Rabshado Dhallinyaradu Budhcad Ahi Sameeyeen Xuskii 18-ka May
Hargeysa, 26.May 2016 (SDN/QJ):- Guddida Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku taliyey in wax laga qabto Dhallinyarada rabshadaha ka sameeya Magaalooyinka Dalka, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa.
Guddida ayaa sheegay in Rabshadihii dhallinyaradu sameeyeen Xuskii 25 Guurada Somaliland ee 18-ka May muujinayso in haddii aan wax laga qabanin dhallinyaradu khatar gelin karaan Amniga Guud ee Qaranka.
Xildhibaan Axmed Cali Aadan oo Shalay Mudaneyaasha Golaha Guurtida u akhriyey War-bixin Guddida Nabadgalyadu ka soo diyaariyeen Xaaladda Nabadgalyo ee dalka, ayaa sheegay in Guddida Nabadgalyadu soo jeedinayso in la fuliyo Xeerka Nabadgalyada ee Baarlamaanku ansixiyey iyo heshiiskii Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex ee ahaa in dhallinyarada lagu helo Rabshado la ciqaabo.
Xildhibaan Axmed Cali Aadan oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi “Dhawaan waxa Waxgaradka, Odayaasha iyo Cuqaasha Qarankani isla qaateen sidii loo heli lahaa Xal waarra oo wax lagaga qabanayo dhallinyarada Budhcadda ah ee Magaalooyinkeena jooga, waxaana lagu heshiiyey in Cid kasta oo lagu helo (Dambi) la marin doono Ciqaab gaadhsiisan ilaa Dil. Markaa Guddidu markay aragtay wixii dhacay dabbaal-deggii 18-ka May, haddii ay socoto aan wax laga qabana aanu Qarankani sii jireyn, sidaa daraadeed waa in Golaha Guurtidu soo saaro Go’aamo wax lagaga qabanayo Arrimahaasi. Waxa kale oo waajib Qaran ah in la fuliyo Xeerkii Nabadgalyada ee labada Gole asnixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexay…”