|

GUDDIDA LOO SAARAY AWDAL WAXAY LAF-JAB IYO QUUDHSI KU TAHAY ODAYAASHA TABASHADA U SOO GUDBIYEY MADAXWEYNE SIILAANYO! WAAYO?

 

Mudane Madaxweyne Tabashada Awdal Guddi heer wasiiro ahi xaqiiqo sax ah kaagama keenayaan!

 

Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isagoo ka jawaab celinaya cabashadii iyo Tabashadii uga timi Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ee ku wajahan saami-qaybsiga xukuumadiisa uu ka siiyey Gobolka Awdal ayuu u magacaabay Guddi heer wasiiro ah, walibana wuxuu kula dardaarmay inay daraasad iyo xaqiiqo raadin ku sameeyaan arintaasi!.

 

Odayaashu waxay sugayeen in lagu diro hadal/balan iyo ficil dhaqso ah oo ka danbeeya ee may filayn in hadalkoodii la yidhaa ‘waxaad sheegaysaan waan hubinayaa ee hadalkiina ma rumaysanayo’! waayo Guddida ayaaba magaca loo bixiyey ka turjumayaa inay sidaa tahay, dhinaca kale guddida waxaa ku jira Laba wasiir oo ka soo jeeda Gogolka Awdal waxaana hogaaminaya wasiir ka soo jeeda Gobolka Badhan ama Sanaag-bari halkaasina isma qabanayso – Subxaanak yaa Cadiim!

 

Waxaa kale oo jiri karta in Guddi heer wasiiro ahi aanay xaqiiqo sax ah kuu keeni Karin waayo wasiiradani waa kuwa BOOSASKOODA lagu socdo sidaa daraadeed wasiirna kuuma keenayo daraasad ku qotonta in AWDAL ay taalo tabasho wasiirnimo odayaashuna waxay u baahan yihiin in wasaaradaha Culus ee miisaanka leh ay helaan oo wasiiradooda loo dhiibo, sida Maaliyada, Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Duulista, Gaashaandhiga, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Waxbarashada IWM. Halka uu guddida ka dhigay waxaa ka habboonayd in uu wadatashi ka waydiiyo iyaga iyo muwaadiniinta kale ee uu talada bidayoba.

 

Anigu markaan ku eegay caqligayga gaaban ee ku wajahan waaya-aragnimada siyaasadda xukuumadan in ay laba mid uu ay tahay shaqada Guddidan, marka laga tago magaca loo bixiyey oo isaga laftiisu quudhsi iyo laf-jab ku yahay odayaasha in loo saaray:

 

1.Inay abaabulaan odayaal kale oo ka soo hor jeesta odayaashii hore isla markaana soo qora warqad liddi ku ah tii hore, isla markaana waxba kama jiraan ka soo qaadda tabashadii odayaashii hore iyo warqaddii ay madaxweynaha u gudbiyeen!.

 

2.Iyo inay yihiin guddi-ku-sheeg waqti lumis odayaasha la caansiiriyo lana meermeeriyo si ay isaga qancaan marka la yidhaa guddidii ayeynu ka warsugaynaa iyo waliba in jaanis loo helo in odayaasha qudhooda la kala xado oo la kala jabiyo khilaaf hor lehna laga abuuro. Sida in reero ama dano la isaga horkeeno.

 

Waxaa kale oo khalad ku tahay Guddidani in guddoomiye looga dhigay Wasiir ka soo jeedda Bariga Somaliland halka hawsha laga qabanayaana ay tahay Galbeedka Somaliland, waayo Bari tabashada Galbeed ma ogaan karo ama way ku adag tahay, waxaa la mid ah in Shaqaaqadii Bali Diiriye Guuleed ee waqooyiga Burco loo saaray wasiirka ka soo jeeda Galbeed oo go’aankii guddidaasi noqday mid arintii si murgiya oo khilaafkii sii huriya!

 

Waxaan Madaxweynaha JSL u soo jeedinayaa Salaan kadib, inuu noqdo madaxweyne Daacad ah, dhex ah, Muwaadin dhab ah, tabashada madaxdhaqameedka Awdal uu uga jawaabo sida ugu quruxda badan, ee Alle ku ogyahay.

 

 

 

Abdillahi A. Caabi

 

 

 

Hargiesa Somaliland

 

 

 

Jaamici442@gmail.com

 

 

 

Comments are closed