|

Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo Sheegtay in ay Go’aammo ka soo Saari Doonaan Cashuur Dawladda Hoose Ku Kordhisay Warshad Layid Biyaha iyo Sharaabka

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa sheegay in guddidiisu go’aanno ka soo saari doonto cashuur ay dawladda hoose ee Hargeysi ku kordhiyeen warshadlayda soo saarta biyaha iyo sharaabka oo cabasho ka muujiyey arrintaas.

 

Guddoomiye Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahinta la hadlay, kadib kulan ay la yeesheen ururka warshadlayda Somaliland, ayaa tilmaamay in ay Maayirka Caasimadda Hargeysa u yeedhi doonaan si ay arrintaas waxa uga waydiiyaan. “Waxaannu kulan layeelanay guddiga warshadlayida soo saarta sharaabka iyo biyaha, waxa aannu ka wadahadalnay waxaa ka mid ahaa tacriifad cashuurta ah oo uu maayarka caasimadu ku kordhiyey.

 

Cabshadoodii way noo soo gudbiyeen iyadoo qoraal ah iyo iyadoo afka ahba, gudiguna go’aamo ayey ka soo saaraysaa waanay iska arkaysaa haddii Alle yidhaa sida ugu dhaqsaha badan, sidoo kalena maayirka waannu iska arki doonaa si aanu isagan uga dhageysano wax uu ku keenay amma uu ku saleeyey iyo xeerarka uu u cuskaday kordhinta tacriifadahaasi uu soo saaray,” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

 

Guddoomiyaha ururka Warshadlayda sharaabka iyo biyaha Somaliland Maxamuud Sheekh Cumar, ayaa in cabashadooda ay u gudbiyeen Golaha Wakiillada, waxaannu xusay in ay ka war sugu doonaan go’aanka ka soo baxa Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiillada, waxaannu yidh; “Kulankan aannu layeelanay guddiga joogtadd ah ee wakiiladu waa mid aannu ku caddaynayno cid xaq u leh inay cashuur kordhiso oo xeer- dajin ah; ilayn cid walba waxay doonto iska kordhin maysee, wadanku fawdo ayuu noqnayaa magaalo kastaana waxabay kordhisan, taasi tu soconaysa maaha maayarku waxuu nagu yidhi golaha anigaa fadhiisiiyey oo ka ansixiyey guddi bilicdal layidhaana waa uu sheegaayey. Guddigan layidhaa guddida bilicdu warshado hore ayey sharci darro ku xidheen markaa waxaannu rajeynaynaa inuu Golaha sharci-dejintu wax ka qaban doono arrintaa.”

Comments are closed