Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Oo Gunnadii Laga Jaray Iyo Sababaha Loo Aanaynayo
Hargaysa:Jan,07,2015(SDN/QJ)-Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dhaqaaqday Tallaabo lagu laxiifinayo Tamarta iyo Awoodda Golaha Wakiillada Somaliland iyo Wax qabadkoodaba, kadib markii ay Hoos u dhigtay Kharashaadkii Golahaaas Miisaaniyadda ugu jirey.
Wasaaradda oo ku Hawlgelaysay Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa meelaha ay sida gaarka ah u badhtilmaameedsatay waxa kamid ah Guddida Joogtada ah ee Golahaas oo ah Guddi Distoori ah oo xataa Gunnada in lasiiyaa ay ku caddahay Distoorka qaranka, waxana uu gebi ahaanba ka jaray Kharashaadkii yaraa ee ay qaadan jireen.
Sida ay ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen, waxa uu wasiir Samaale Badhtilmaameedsaday Guddidan oo qaranka meel muhiim ah kaga jirta, waxana laga dhex uriryey inay Xubno mucaarid ahi hoggaamiyaan.
Miisaaniyad-sanadeedka 2015-ka waxa uu kharashaadkii iyo Stationarrigii uu boqolkiiba 80% ka dhimay Golaha Wakiillada Somaliland, taasoo uu uga dan leeyahay inuu ku wiiqo hawl maalmeedka Golaha Wakiillada Somaliland.
Lacagaha Miisaaniyadihii hore ugu jiri jirey Golaha Wakiillada, balse Doorkan xukuumaddu sida tooska ah u goysay, ayaa waxa kamid ah kuwan soo socda, sida ay noo xaqjiijiyeen Xubno Golahaas ka tirsani:
Kharashaadka gaarka ah ee Golaha Wakiillada waxa uu ahaa Sanadkii tagay 720,000,000, iyadoo kharashaadka Dhiiri-gelinta shaqaaluhu uu ahaa 720,000,000, waxa uu ka dhigay 330,000, kharashaadka sanadkii tagay ee Gaadiidka Golaha wakiilladu waxa uu ahaa 720,000,000, waxa laga soo reebay 200,000,000. Kharashka daryeelka Gaadiidku waxa uu ahaa 200,000,000,waxaana laga dhigay 50,000,000, kharashka iibsiga buugaagta iyo qalabka Xafiisyadu waxa ay ahaayeen 150,000,000, laba meelood ayaa la dhimay.
Wasiir Samaale ooh ore uga tirsanaan jirey Aqalka Golaha Wakiillada, ayaa si badheedh ah ugu dhaqaaqay tallaabada lagu curyaaminayo Dhaqaalaha Aqalka Wakiillada oo haatanba shacabku ka sheegtaan inaanay si fiican shaqadooda uga gudan Karin Farogelinta Xukuumadda, waxana ay socdaan dagaal cad oo lagula dagaallamayo Hoggaamiye Cirro oo xukuumaddu Aaminsan tahay inuu Xisbiga ku taakuleeyo Kharashaadka Golaha.
Wali Guddoomiye Cirro si toos ah ugam uu hadlin lacagaha Golaha laga jiray, waxana ay xubnaha Wakiillada oo Muxaafid u badani duuduub ku ansixiyeen Miisaaniyaddan ka dhanka ah iyaga oo aanay tixgelin Iinteeda.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com