|

Guddida Horumarinta Beesha Sacad Muuse Oo Isku Raacay In Muuse Biixi Looga Hadho Musharraxnimada Madaxtinimo Ee Siilaanyo Dabadii Iyo Ina Biixi Iyo Samaale Oo Geed Lagu Xidhay

Hargeysa:Dec,17,2014(SDN/QJ)-Guddida Horumarinta Beelweynta Sacad Muuse oo uu hoggaaminayey Suldaankooda Guud Suldaan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa isku raacay in Beeshu musharax  loo midaysan yahay ka dhigato Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay dhawaan arrimo Noocan oo kale ah isku seegeen Madaxweyne Siilaanyo.

isoGuddidan oo in muddo ah ku Hawllanayd kala reebidda Musharrixiin saddex ah oo Beeshu leedahay oo dhammaantood ay ka Go’an tahay inay Tartankaas galaan, ayaa sida Hoggaankoodu sheegayo shalay Galabtii isku raacay inay Muuse Biixi ka dhigtaan ninta isu taagi doona jagada Musharraxa Beeshaas marka uu  madaxweyne Siilaanyo DhamaystoTartankiisa Doorka labaad ee dhawaan loo tartami doono.

Suldaanka Guud ee Beelahaas Suldaan Xasan oo xalay qaar kamid ah  warbaahinta la Hadlay, ayaa xaqiijiyey in Guddidii isku raaceen In Muuse Biixi looga  hadho tartankaas, iyadoo labada musharrax ee kale lagu reebay shuruudo badan oo ay Buuxi waayeen, kuwaas oo sida uu sheegay ay  kamid ahaayeen Dedaalkii d heeraa ee Dagaal, dood iyo deeqba lahaa ee uu Muuse Biixi waddanka u soo galay iyo ladqabadii Beeshu dhawaan kaga tanaasulisay Tartankii uu sheegay inuu Madaxweynaha la geli doono oo uu si Gobanimo leh u aqbalay.

Saxaafadda Madaxa Bannaani waxa kaliya ay war ka haysay shirarka Guddidaasi lahayd ee looga gol  lahaa in Guddidaas lagu kala saaro, ilaa iyo Haatanna Guddidaasi si waadix ah umay soo saarin wax ay isku wada Raacsan yihiin marka laga tago Hadallada uu Suldaanku warbaahinta siiyey.

Marka la eego Beesha Sacad muuse Dhdexdooda, waxa  si badheedh ah u sheegay inay tartamayaan Sadex nin oo beesha Miisaan badan ku leh, kuwaas oo kala ah Gudddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ah Dublomaasi Beesha dhexdeeda Taageero badan ku  leh, isla-markaana Beesha Caalamka si weyn uga xidhan lana soo shaqeeyey iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii uu tartan muuqda ula geli lahaa Muuse Biixi oo ay si aad ah u xafiiltamaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed