Guddida fulinta Ee Xisbiga UCID oo Ka hadlay Eedaymo uu Jamaal Cali Xuseen u Jeediyay Muuse Biixi iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid
Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Raali-gelin ka bixiyey eedaymo Musharraxa Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen u jeediyay Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid Geeddi iyo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi Cabd.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay in Guddida fulinta ee Xisbiga UCID raali-gelin ka bixinayaan Eedaymaha Musharraxa UCID u jeediyay Ganacsade Maxamed Aw Siciid, kuwaasi oo nuxurkoodu in Ganacsade Maxamed Aw Siciid ka shaqeynayo sidii uu UCID u burburin lahaa.
War-saxaafadeedka UCID oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan, “Xisbiga cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxaa uu halkan ka caddeynayaa in hadalkii Jamaal Cali Xussen kaga hadlaayey ganacsadaha reer Jabuuti iyo masuulyiinta kale ee uu eedda u soo jeediyey waxaa ay ku kooban tahay aragtida Jamaal ee xisbigu lama qabo anaga oo ixtiraameyna fikirka iyo xoriyadda shaqasi ahaaneed .
waxaanu raali buuxda siineynaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga UCID kana raali galineynaa hadalkii ahaa in xisbiga cid kale ay burburineyso xisbiga UCID waxaa weeye xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada qarankan isla-markaana ugu khibradda badan sidaas darteed cidna ma burburin karto waana meel ka dhac in lagu tilmaamo mid shaqasiyaad ku takri falaan .
waxaa kale ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID raali galin buuxda ka bixinayaa cid kasta oo dhibsatey hadalkii Jamaal maadaama oo aanu ixtiraam u heyno ganacsatada reer Somaliland iyo dhammaan Madaxda xisbiyada Qaranka iyo masuulyiintooda.”