|

Xisbiga UCID oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda u magacaabay Aqoonyahan Maxamed Haaruun

Hargeysa 31, March 2012 (Qurbejoog.com)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa masuul cusub u magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xisbigaas.

Sida lagu sheegay qoraal uu soosaaray kusimaha guddoomiyaha, ahna guddoomiye kuxigeenka xisbigaas Mr. Aaden Jaamac Hoorri, xisbiga UCID waxa uu Xoghayihiisa Khaarajiga u magacaabay aqoonyahan Maxamed Haaruun Maxamuud, wuxuuna qoraalkaa magacaabista ahi u dhignaa sidan; “Guddida Fulinta ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, fadhi uu yeeshay maanta oo ay taariikhdu tahay 30 march 2012 oo aan gudoominaayay aniga oo ah Aadan Jaamac Hoorri ahna Gudoomiye Xigeenka 1aad isla markaana ah ku Simaha Gudoomiyaha UCID, waxa aan si qoto-dheer loogu lafa guray qaabka loo buuxin lahaa kaalinta Xog-hayaha Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga, Jagadaas oo muhiim u ah Xisbiga.

Ka dib markii doc walba laga eegay la islana gartay muhiimada ay buuxinta jagadaasi u leedahay Xisbiga.

Markaan isla meel dhignay in ay qabashada jagadaasi u baahan tahay shakhsi aqoon iyo waayo aragnimo durugsan leh oo wax ka tari kara Arimaha Dibada iyo u ololaynta gooni-isu taaga Somaliland.

Waxaa la go,aansaday   in Md, Maxamed Haaruun Maxamuud loo magacaabay Jagada Xoghayaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga oo loogu xishay arimahan soo socda awgood:

1.      In uu ahaa taageero Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID muddo dheer, qurbo jooga Somaliland dhexdooda ku ah xubin firfircoon.

2.      Waa nin dareen iyo karti awoodeed oo xirfad leh, kuna wanaagsan hawlahaas.

3.      Ku sita shahaadad xiriiriyada caalamiga iyo horumarinta dunida saddexaad.

4.      Waxa uu si gaar ah baadhis iyo qoraalaba ku sameeyay baadi goobka ictiraafka Somaliland.

5.      Ka sokow kaalinta Maxamed Haaruun ugu jiray Xisbiga UCID, waxa uu oogay xirriikeena dibadda.

6.      Waxa uu ka qaatay kaalin mug leh shirkii London ee 23 February 2012, taas oo uu u soo hooyay guulo gaar ahaan Xisbiga, guud ahaana wafdigii Somaliland.

 

Sidaa awgeed waxa uu Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka hogaankoodu xusuusinayaa qof walba in ay u darban yihiin gar iyo gardaraba difaaa mabaadiida dalka u dhigan.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed