|

Guddida Doorashooyinka Qaranka oo soo gabagabeeyay diiwaangalintii Gobalka Saaxil ka socotay mudo 28 maalmood ah

Berbera April 13,2016(SDN/QJ)-Xubno ka socday guddida komishanka qaranka oo ay horkacayaan Gudoomiyaha KDQ Eng. Abdiqaadir iimaan, komishaneer cabdiraxman Cismaan Sagal iyo komishaneer Kaltuun Sh. Xasan oo ay wehelinayaan xubnaha komishanka qaranka ee heer gobal ayaa manta oo bishu tahy 09/04/2016 xaflad lagu qabtay Jaamacada Bada ee Berbera ku soo afmeeray diiwaangalintii codbixiyaha gobalka Saaxil ka socotay muddada 28ka maalmood ahayd.

Xafladii xidhidhitaanka diiwaan galinta gobalka wax aka soo qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen: Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland, Wasiir ku xigeen, Gudoomiyaha gobalka Saaxil, Taliyaha Booliska gobalka, taliyaha ciidamada gobalka, Kuxigeenka dekada Berbera, gudoomiyaha jaamacada Bada, maayarka degmada Berbera, shirkada Telisom iyo masuuliyiin kale oo badan.

Kulankan lagu soo afmeerayay diiwaangalintii ka socotay gobalka dhamaan xubnihii ka hadlay isku raaceen in ay u qabsoontay sidii la filaayay si ka wanaagsan, sidoo kalana waxay dhamaan aad ugu mahad naqeen komishanka qaranka kuna hambalyeeyay sida loo soo agaasiimay hawshan oo u qabsoontay si wanaagsan.

Maayarka degmada Berbera oo kulankaas furay waxa uu u mahad celiyay xukuumada Somaliland, Gudida komishanka heer qaran iyo heer gobalba, xisbiyada qaranka iyo shirkadahii ka qaybqaatay diiwaangalintaba.

Gudoomiyaha Gobalka Saaxil oo ka hadlay si qotodheerna u iftiimiyay dareenkiisa farxada ka muuqato, sida sharafta iyo wanaagu ku dheehan yahay ee bulshada gobalku uga qayb qaateen xaqiijinta iyo ka dhabaynta in diiwaangalin hufani ka dhacdo gobalka.

Gudoomiyaha KDQ Eng. Abdiqaadir Iimann oo soo gunaanaday hadalka waxa uu ugu maamulka gobalka, bulshada gobalka, shirkada telisom iyo xukuumaduba sida ay uga qeyb qaateen diiwaan galinta sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyay xisbiyada qaranka oo muujiyay biseelnimo lana barbar istaagay komishanka hirgalita hawshan baaxada leh.

 

Allaa mahad leh

Comments are closed