Guddida doorashooyinka oo oo faray ururda siyaasada in ay isdiiwaangeliyaan
Muqdisho (QJ) Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta qaaday talaabo muhiim ah oo la xiriirta diyaar garowga doorashada soo socota, iyagoo shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga, C/kariin Axmed Xasan oo kulanka furay ayaa sheegay inay casuumaad u fidiyeen Ururrada Siyaasadda, isla markaana ay bilaabeen doodo xasaasi ah. Cabdikariim ayaa kula dardaarmay madaxda ururadan inay u diyaar garoobaan diwaan galinta, maadaama uu dalku ku sii dhawaanayo xisbiyada siyaasada iyo doorashooyinka dadwaynaha.
“Maalinta aan idin siinno shahaadada oo aad noqotaan ururro siyaasadeed oo rasmi ah, waxaad noqon doontaan daneeyayaasha dhabta ah ee ka hadalka siyaasadda Soomaaliya. Adiga ayaa hogaamin doona. Waxaa naga go’an in dalkeena uu yeesho xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah oo ku tartama siyaasadda,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in wada hadaladu ay sii socon doonaan, isla markaana ay sii kordhin doonaan wada hadalada iyo kulamada ay la qaadanayaan Ururada Siyaasada.
“Kulanka maanta waa bilow. Wadahadaladu waa ay balaarin doonaan, wada-hadalkuna wuu sii socon doonaa. Intaa ka dib, xafiiskayagu wuu idiin furnaan doonaa,” ayuu ku nuux-nuuxsaday.
Tallaabadan ay qaadeen guddiga doorashada ayaa ku soo aadeysa xilli dood adag ay ka taagan tahay hanaanka doorasho ee dalka oo ay ku lug leeyihiin Villa Somalia (Madaxtooyada), siyaasiyiin mucaarad ah, iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.