|

Guddida doorashooyinka oo baaraya cabashooyin mucaaridku u gudbiyeen

Muqdisho (QJ) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ka warbixiyay cabashooyin ka imaanayay qaar kamid ah ururada siyaasada kadib markii shirkooda uu hakad galay.

War-saxaafadeed ay soo saareen guddigu kuma ay xusin cidda masuulka ka ah carqaladaynta arrintan, balse waxay sheegeen inay la shaqaynayaan hay’adaha ay khusayso arrintan si loo baadho, isla markaana loo dhameeyo.

Guddiga ayaa ku nuux-nuux saday in ururrada siyaasadda ay xaq u leeyihiin inay qabtaan shirar khuseeya doorashooyinka.

Arintaan ayaa timid kadib markii la sheegay in ciidamada amaanka ay is hortaageen shir ay lahaayeen xisbiyada mucaaradka oo maalmo ka hor ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Xubnihii ka qeyb galay kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Siyaasiga C/llaahi oo sheegay in laga hor istaagay isu imaatinka.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhowr jeer ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay isku dayeyso inay ku caburiso dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed iyo kulamadooda.

Comments are closed