Guddida Doorashada Soomaaliya Oo Maanta Bilaabaya Diwaangelinta Musharraxiinta Baarlamaanka Iyo Dad Magaca Somaliland Kaga Qayb-galaya Oo La Raadinayo
Muqdisho 12.October 2016 (SDN/QJ):-Guddida Doorashada Dadban ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay 12-ka bishan oo Maanta ku beegan bilaabayaan Diwaangelinta Dadka doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii Beelaha Gobollada Soomaaliya qaarkood u gudbiyeen Ergooyinka u codeynaya xubnaha uga qayb-galaya Baarlamaanka.
Guddida Doorashada oo doonaya in Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo noqonaya 275 Qof ay u kala codeeyaan 14,025 Ergay, ayaa illaa hadda Maamul-gobolleedyada Soomaaliya u gudbiyeen ergooyin ka badan 6,000, waxayna Guddidu sheegtay in ay Maanta ahaan bilaabayso Diwaangelinta Musharraxiinta kuraasta la soo gudbiyey Ergooyinka u codeynaya.
Somaliland oo 46 kursi laga siiyey Baarlamaanka, ayaa Dadka ka soo jeeda ee ku sugan Soomaaliya aanay illaa hadda u gudbin wax Ergo ah oo u codeeya xubnaha Musharraxiinta u ah inay ku fadhiistaan kuraasta Magaca Somaliland lagu bixiyey.