Guddida Dhalinyarada Garxajis Oo Shaaciyey Ajandaha Shirweyne Horaanta Bisha APRIL Lagu Qabanayo AW BARKHADLE+Qoddobada Ajendaha Uu Huwan Yahay Iyo Tirada Ergooyinka Loo Qulay Ka Qayb-galkiisa
Hargeysa Mar 25,2015 (SDN/QJ )-Qaban-qaabada Shir-weyne lagu falan-qaynayo marxalada dalku marayo, gaar ahaan xaaladaha masiiriga ah ee ay ku sugan yihiin dhalinyarada Beelaha Garxajis ayaa maal-mihii u dembeeyey laga dareemayay guud ahaan Somaliland gaar ahaana Caasimadda Hargeysa.
Shirweynahan oo ay hagayaan Guddi qaban-qaabo oo ka mid ah ururka Dhalinyarada Beelaha Gar-xajis ayaa la weriyey in horaanta bisha soo socota ee April lagu qaban-doono deegaanka Aw-Barkhadle ee duleedka Bari ee Caasimada Hargeysa, halkaas oo muddada uu socdo lagaga arrinsanayo, xaaladda dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo arrimo bulsho ee ay ku sugan yihiin dhalinyarada Somaliland, gaar ahaanna Beesha Gar-xajis, waxaana shirka lagu casuumay Ergooyin metelaya dhammaanba gobollada iyo degmooyinka ay Beelaha Ga-xajis degaan.
Sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynahaas Mr. Xuseen Xasan Cabdillaahi Yusuf oo warbaahinta loo qaybiyey, ayaa qoddobada ajandaha ee muddada uu socdo oo saddex Maalmood ah loo qoondeeyey in lagaga hadlo waxaa ka mid ah:
-Doorashada Guddida Cusub ee Dhalinyarada Gar-xajis
-Midaynta cududa iyo isku duubnida dhalinyarada Gar-xajis iyo sidii ay isku xidhnaantooda iyo mawqifkoodu mid u ahaan ahaa
-Falanqaynta iyo aayo-ka-talinta doorashooyinka Somaliland ee laga dar-daar werinayo dib u dhacooda, maadaama oo dhalinyaradu tahay cududa ugu ballaadhan ee codaysa marka Codbixinta doorashadu timaado.
-Muujinta Mawqifka dhalinyaro ahaan ay ka qabaan muddo-kordhinta Hoggaanka dalka marka muddo xileedkiisu dhammaado
– iyo Adkaynta nabad-gelyada iyo madax banaannida Somaliland oo ah muqadas.
GOORMA AYAA SHIRKU QABSOOMAYAA?
Guddoomiyaha guddida qaban-qaabadu waxa uu qoraalka uu soo saaray ku iclaamiyey waqtiga uu shirweynuhu qabsoomayo oo ku beegan maalin jimce ah oo bishu tahay 10-ka Bisha April ee sanadkan 2015 ilaa 12-ka Isla bishaas.
Sidaas darted, waxa guddoomiyaha guddida qaban-qaabadu farriin u diray dhammaanba dhalinyarada shirkani khuseeya isaga oo ugu baaqay in mudada ka hadhsan furitaanka shirkaas oo aad u kooban awgeed ay deegaannadu sii xulaan ergooyinka uga qayb galaya, gobol ahaan iyo degmo ahaanba.