|

Guddida Dacwadaha Iyo Anshaxa Oo Go’aan Ka Soo Gaadhay Dacwad Ay Soo Gudbiyeen Xulka Kubadda Cagta Gobolka Saaxil

Hargaysa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Guddida dacwadaha iyo anshaxa ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa go’aan ka soo saaray dacwad ay u soo gudbiyeen xulka kubadda cagta gobolka Saaxil, sidaasna waxa ay ku shaaciyeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiska xidhiidhka.

guddida-anshaxa-iyo-shaadhayGo’aanka ay guddidu soo saareen ayaa u dhignaa sidan: “Guddida Dacwadaha iyo Anshaxu waxa ay halkan ku cadeynaynayaa inay go’aan ka gaadheen kadib markay dib u eegeen dacwadii ay soo gudbiyeen, soona buuxiyeen shuruudihiii dacwad qabashada xulka kubadda cagta gobolka Saaxil.

Guddida Dacwadaha iyo Anshaxu waxa ay go’aamisay qodobadan hoos ku qoran iyaga oo u cuskanaya sharciga iyo awooda guddida Dacwadaha iyo Anshax marinta ee qodobadda 1-aad, 2-aad, 3-aad, 6-aad, 10-aad iyo 12-aad. Waxaana ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan.

  1. In xulka kubadda cagta gobolka Saaxil iyo maamulkooda la ganaaxay lacag dhan 1,500,000sl/sh (Hal Milyan iyo Shan Boqol oo Kun Sl/Shiling).
  2. In ciyaar yahanka numberka 19-aad ee xulka kubadda cagta gobolka Saaxil ee magaciisu yahay Mustafe Saleebaan Samatar (Messi) la ganaaxay 1,000,000 (Hal Milyan Sl/Shiling), kadib markii uu tilmaam ku caayey taageerayaashii garoonka, isla markaana garoonka hore uga soo bixi waayey markii garsooruhu calaamadda cas u taagay.
  3. Waxaanu digniin siinay garsoorihii dhex-dhexaadinayay ciyaartii dhex martay xulalka kubadda cagta gobolada Saaxil iyo Awdal, ee magaciisu yahay Mahdi Maxamed Xasan, kadib markii uu ka fal-celiyay aflagaado aan ku banaaneyn Anshaxa Garsoorka, halkaasna aanu dib u qiimeynay ciyaartii iyo qaabka uu ku yimid kaadhkii casaa ee garsooruhu siiyey ciyaar yahanka kor ku xusan, waxaanu go’aan ku gaadhaynay ka guddi ahaan inaanu kaadhkaa cas laalno, ciyaar yahankaasina uu sidaas ugu ciyaari karo kulanka saddexaad ee gobolka Saaxil uu yeelanayo.
  4. Xulka kubadda cagta gobolka Saaxil waa inay ganaaxa lacageed ee kor ku xusan iyo kii hore oo dhan 4,000,000sl/shilling (Afar Milyan Sl/Shiling) ay muddo 12 saacadood guddahood ku bixiyaan, iyaga oo guddida ku hagaajinaya.
  5. Xulka kubadda cagta gobolka Saaxil waxaa u furan inuu Rafcaan ka qaadan karo go’aanka aanu kor ku xusnay.

Guddida Dacwadaha iyo Anshaxa:

Fu’aad Axmed Cali – (Guddoomiye)

Cismaan Madar Samatar (Shiine) – Guddoomiye Xigeen

Cali Xuseen Cabdilaahi (Fagaase) – Xoghaye

Axmed Muxumed Xirsi – Xubin

Cabdirisaaq Axmed Ismaaciil – Xubin

Comments are closed