|

Guddid Wanaag Farista Somaliland Oo Si Adag Uga Hadley Urur Diimeed Hargaysa Lagaga Dhawaaqay DAAWO

Hargaysa 09. April 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo ahayd 5-tii Bishan April oo ku beegnayd maalintii Arbacada ayaa waxa caasimadda Hargeysa ee Somaliland lagaga dhawaaqey koox wadaado qaar ka mid ahi macallimiin ka yihiin Jaamacadaha Hargeysa iyo Beder ay la baxeen in ay taageersan yihiin urur diimeed laga dhawaaqey gudaha magaalada Hargeysa.

Waxa sidoo kale isla maalintaasi bayaankaasi taageerada ah laga soo jeediyey magaalooyin ka mid ah dalka Soomaaliya oo kala ah Muqdisho, Garoowe iyo Gaalkacayo iyada oo dad badani walaac ka muujiyeen ururkaasi isku eegay kuwa aan xaqa la gabban oo sida cad ku abtirsada kooxda Takfiirka loo yaqaano.

Geesta kale iyadana magaalada Hargeysa si adag uga hadley guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland.

Comments are closed