Guddi Wasiiro ah oo Madaxweyne Siilaanyo magacaabay iyo guddiga Caddaalada oo kulan gaar ah isku waajahay, maxay tahay sababtu?
Hargeysa 14, August 2012 (SDN)- Wasiirka Cadaaladda Somaliland Mr. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ka xog-waramay kulan ay albaabadu u xidhanaayeen oo ay maanta yeesheen guddi wasiiro ah iyo guddida Cadaaladda Somaliland.
Guddiga wasiirada ah oo Madaxweyne Siilaanyo todobaadkan magacaabay, waxay ka dambaysay markii shirarkii golaha Wasiirada ee todobaadyadii u dambeeyay ay hadhaysay doodo ku saabsan caddaalad-darrooyin la sheegay inay hadheeyeen waaxda Garsoorka dalka.
Kulanka oo ahaa kii u horeeyay noociisa, isla markaana albaabadu u xidhnaayeen ka dib, wasiirka Caddaalada Mr. Xuseen Axmed Caydiid oo warbaahinta la hadlay, waxa uu si guud-mar ah u iftiimiyay waxyaabaha kulanka lagu naaqishay. “Kulan ay yeesheen guddiga Caddaalada iyo guddidan Madaxweynuhu u xil saaray cadaaladda iyo garsoorka, waxa lagaga hadlayay sidii loogu kuurgeli lahaa cabashooyin ka soo yeedha dadweynaha oo la xidhiidha cadaaladda iyo garsoorka taas oo aanu eegaynay waxyaabaha caqabadda ku ah tayaynta Maxakamaddaha iyo Caddaalada,” ayuu yidhi.
Wasiirku tilmaamay duruufaha haysta hawlwadeenada Garsoorka dalka iyo xaaladdaha ay ku shaqeeyaan oo wiiqay caddaalad bulshadu hesho. “Garsoor aan lacag qaadan oo meel madhan laga yabyabay oo dhawaan la sameeyay baa la leeyahay maxay wax u khaldeen?, arrinkani waa mid laga wadatashan doono, marka meel la gaadhana waxaa muhiim ah in la is-qiimeeyo,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, waxa la sheegay in guddoomiyaha Guddiga Caddaalada, ahna guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mr. Yuusuf Ismaaciil Cali uu ka xumaaday qoraal uu wasiirka Caddaaladu u qoray oo ku saabsanaa inuu diyaariyo xubnaha guddigiisa, si ay guddigan wasiirada ah ee Madaxweynuhu saaray ula kulmaan.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan guddiga Caddaalada uga soo baxay, haddana siday ilo xogogaal ahi sheegeen, guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu muujiyay in labada waaxood ee Garsoorka iyo Fulintu (xukuumadda) ay kala madax-banaan yihiin, sidaa aawadeedna waxa la sheegay inuu qawaday qaabka isla-xisaabtankooda.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com