Guddi Qabanqaabisa Aaska Marxuum Fu’aad Aaddan Cadde Oo Madaxweyne Siilaanyo Degreeto Ku Magacaabay
Hargaysa:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa goor dhaweyd Magacaabay Guddii heer qaran ah oo loo igmaday inay qabanqaabiyaaan Aas qaran oo loo samayn Marxuum Fu’aad Aadan cadde oo shalay ku geeriyooday Dalka Turkiga.
Sidaasna waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soobaxay madaxtooyada Somaliland oo goor dhaweyd soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Qurbejoog.com, waxana uu u dhignaa sidan:
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.
Digreetada Madaxweynaha:-
Ku:Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Guddoomiye
Ku:Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xubin
Ku:Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Xubin
Ku:Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Xubin
Ku:Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Xubin
Ku:Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Xubin
Ku: Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna Ku-simaha Maayarka Hargeysa Xubin
Ku:Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi Xubin
Ujeeddo:Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde
Mudanayaal, Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde.
Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.
Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.
ALLAA MAHAD LEH
SDN/QJ