|

GORFAYN: BUUGGA SAMO-TALIS Muna Axmed Cumar

Dhowaanahan waxa sida togga u soo burqanaya buugta ku qoran afka Soomaaliga oo loo guntaday run ahaantiina waa arrin aniga shaqsi ahaan I farxad geliya markasta oo aan arko buug af-soomaali ku qoran oo soo kordhay. Haddaba  waxaan dhowaan aad ula dhacay mid ka duwan kuwii hore aan u arkay waana buugga la magac baxay SAMO-TALIS oo  aan halkan wax yar kaga tilmaami doonno .
Haddii ay bulsho doonayso in ay la tartanto ama la jaanqaaddo bulshooyinka kale ee dhiggeed ah waxa looga baahanyahay dedaal iyo duruus aan yarayn oo  lafteeda ka dhex bilaabma  marka hore.  Waana midda qudha ee ay kula dherersan karto kuwa kale.  Waa in ay iyagu is aqoonsadaan, is bartaan, is xeeriyaan, oo iska danbeeyaan,  isna qiimeeyaan. Si ay intaasiba innoogu suurto gasho waa in la bartaa dadkaaga haldoorka ah ee wanaagsan, si aad u hesho qaaciidooyin farobadan oo aad ku toobyayn karayso dhabbaha dheer ee geeddiga noloshu inna marinayo, ugana sabato-baxdo casharrada ay kula kulansiin doonto.  Sidaa darted waa inaad heshaa ciddii ay ahaayeen kuwii kaa waawaynaa iyo xeeladdii  ay sammayn jireen marka dhibaato la soo deristo dabadeedna halkaa  ka shidaal qaadataa.

Haddaba dadkaa ay habboon tahay in samaha lagaga daydo waa in la weeleeyo mahadhaddooda, si  bulshada inteeda kale loo gaadhsiiyo.  Ma aha uun in suugaanta iyo inta curisa wax laga qoro waxa aan been ahayn in dad badan oo mahadho aan yarayni ku duugantahay kaalinta ku jiraan oo ay mudanyihiin in wax lagaga daydo habka qudha ee waxtarkooda iyo wanaaggooda lagu raadsan karaana waa in la sameeyo sida hawshan tusaalaha fiican ah ee Siciid qabtay oo kale. Aad baan ugu riyaaqay markaan arkay hawshan baaxaddeeda leh ee ummaddu u baahnayd loona oomanaa ee qoraagu guntiga u gaabsaday, dhanna waxaan ka ogaaday in weli hawlo badan oo wax laga qoraa bannaanyihiin.

Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf ( Xaaji Cabdi-Waraabe ) oo ah shakhsiga uu ka hadlayo buuggan SAMO-TALIS waa ruux u soo taagnaa laba qarni oo aanay sahlanayn in la soo ururiyo noloshiisii dheerayd, sidaas oo ay tahay haddana  waa ay suurtogashay markii lagu dhaqaaqay.  Xaajigu  waa madax-dhaqammeed ku sifoobay samo-talisnimada, oo qayb laxaad leh ka soo qaatay  daminta  holocii iyo dabkii  ka  dhex  baxay nidaamkii hab-beeleedka ahaa ee lagu bineeyay Jamhuuriyadda Somalilaand.

Waa shakhsi dadnimada  iyo diin jacaylku wajigiisa ka muuqdaan, waa diiwaan wax badan u soo taagnaa oo ay habboonayd in mar hore la weeleeyo weedhiisa, wanaagga xaajiga ee la sheegayaa maaha mid aynnu ku kabkabayno oo dusha ka saarayno  ee waa mid ay innooga markhaati kacayso da’da uu maanta jiro haddana ku talinayo ee  garashada iyo caqliga fog,  iyo nuurka ka baxaya wajigiisa .

Bal haddaba siduu innoogu soo koobay Siciid noloshii iyo mahadhadii faraha badnayd ee Xaaji Cabdi Waraabe aynnu eegno. Ugu horrayn buugga magaciisa ayaa ah mid ka turjumaya shakhsiga laga hadlayo marka ugu horraysa ee aad isha ku dhufatona maskaxdaada ay ku soo dhacayso in buuggu xambaarsanyahay macluumaad suubban oo laga faa’iidaysan karo. Midabkiisu waa doogo ah oo ka sida barwaaqada  indhuhu  ku hakanayaan,  waxaana wajiga hore kaga sawiran Xaaji Cabdikariin  iyo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxammed Maxammuud ( Siilaanyo ). Sida qoraagu ino sheegayna waxa sawirka laga qaaday mar xaajigu madaxwaynaha ka guddoomayay  shahaado-sharafta nabadda iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo labaddooduba ku sugan munaasibaddii qalin-jebinta dufcaddii toddobaad ee Jaamacadda Hargeysa ka baxda  27-kii Sembeember, 2010-kii.

Guud ahaan buugga SAMO-TALIS waxa qoraagu ku soo  koobay toddoba geeddi oo xambaarsan sooyaalkii, caaqilnnimadii, talo-nabaddeedkii iyo samo-talisnnimadii Xaaji Cabdikariin Xuseen iyo guud ahaanba is bedbedaladii uu soo maray waddanka Somaliland laga soo bilaabo waqtigii uu Xaajigu dhashay illaa maanta oo laga joogo in ka badan qarni. Haddaba haddii aynu is dul taagno geeddiyadaa kala duwan ee uu buuggu innooga warramayo waxay kala yihiin sidan:

Geeddiga koowaad: Waxa uu si faahfaahsan usoo bandhigayaa dhalashadii, barbaaritaankii, xaasaskii, ubadkii, iyo caaqilnnimadii Xaajiga. Geeddigan koowaad waxa kale oo uu inoo sharraxayaa qodobbo xiiso badan oo ay ka mid yihiin.  Sidii Xaajigu kula baxay magaca ‘CABDI-WARAABE’, sidii iyo goortii uu la kulmay ninkii dilay Xaaji Cabdi aabbihii iyo wixii uu ka yeelay iyo dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya kaas oo uu Xaaji Cabdi ka mid ahaa ciidammadii Soomaalida ee Taliyaanigu ku tababaray  dalka Ereteriya.

Geeddiga labaad:  Waxa uu toos u gudo galayaa waayihii kala geddisnaa ee Xaajigu la kulmay waqtiyo ka mid ah noloshiisa sida: waayadii Gumaystayaasha reer Yurub, caleemo-saarkii iyo caaqilnimadii Xaajiga, Ingiriiska iyo madax-dhaqammeedkii, waayadii Suldaan Cabdilaahi ‘Suldaankii Afrika’, shirkii Hara-Digeed 1946-kii, shirkii Muqdisho ee 1948-kii iyo ololihii Axsaabtii Gobannimo-doonka ka hor 1960-kii.

 

Geeddiga saddexaad: geeddigani waxa uu dul istaagayaa waayihii ay midoobeen koonfurta Soomaaliya iyo Soomaalilaand  ‘1960-1991’. Waxa kale oo uu geeddigani ka hadlayaa hawlo door ah oo uu Xaajigu ka qayb qaatay iyo xidhiidho dhow oo saaxiibtinnimo  uu la lahaa madaxda qaar. Sidoo kale waxa aan ka maqnayn geeddigan goosgoosyo ka mid ah dagaaladdii waayadaa ka aloosnaa gudaha iyo dibadda waddanka Soomaalilaand iyo aas’aaskii golaha guurtida.

Geeddiga afraad:  Dib u xorowgii iyo dhismihii Soomaalilaand ayuu geeddigani su qurux badan u faaqidayaa. Shirarki nabadaynta beelaha Soomaalilaand, dagaaladii sokeeye, geeridii Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi-Qani, doorkii Xaajiga ee hub ka dhigista daydayga iyo beeliha , khilaafkii Salaadiinta iyo xukuumaddii, Aftidii Dastuurka Qaranka, Geeridii madaxweyne Cigaal, dooroshooyinkii kala duwanaa ee dalka soo maray, khudbaddii Xaajigu ka jeediyay Baarlamaanka waddanka Ingiriiska iyo qodobo kale oo xiiso badan ayaad ugu tagi doontaa gudaha geeddiga afraad ee buugga SAMO-TALIS.

Geeddiga shanaad: Halkudhegyada, talooyinka iyo dardaarannada joogtoda ah ee uu Xaaji Cabdi ku caan baxay ayuu si faahfaahsan u soo bandhigayaa geeddigan shanaad ee buuggu. Halkudhegyada ugu soo jiidashada badan ee ku jira geeddigani waa halku-dheg odhanaya ‘Soomaaliya waa bilaa Xaaji Cabdi’. Halku dheggan maaha mid uu Xaajigu isticmaalo sida uu qoraagu buugga inoogu sheegay se waa mid bulshadu had iyo goor adeegsato waxaana ay asalkeedii ku timid odhaahdani sida buuggu inoo caddaynayo weedh uu AHN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal yidhi oo ahayd “Soomaalilaand waxa ay Soomaaliya dheertahay Xaaji Cabdi”.

Geeddiga lixaad: geeddigani wuxuu diiradda saari doonaa qaybo kala duwan oo Xaajiga noloshiisa ka mid ah iyo faallooyin ku saabsan wararkii iyo qoraaladii ay ka qoreen saxaafadda iyo dadka wax qora.

Geeddiga toddobaad: geeddigan oo ah ka u danbeeya buugga waxa uu guud ahaan ka hadli doonaa wixii laga yidhi Xaaji Cabd-Kariin Xuseen. Waxa lagu uruuriyay geeddigan hadallo badan oo laga qoray dad isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameedyo iyo qoraayo kuwaas oo dhammaantood kaga hadlaya shaqadii, hawlkarnimadii iyo waddaniyaddii Xaaji Cabdi-Kariin Xuseen ‘Cabdi-Waraabe’. Waxaana ka mid weedhahaas iyo dadkaas:

“Xaaji Cabdikarim Xuseen (Cabdi-Waraabe) waa astaanta Nabadda ee Geeska Afika” weedhan waxa yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed oo ah Hormuudka Machadka Barashada Cilmiga Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

“Xaaji Cabdi waa Aabbaha Nabadda Soomaalilaand” Sheekh Aadan Xaaji Maxammuud Xiiray (Aadan-Siiro).

“Soomaalilaand waxa ay Soomaaliya dheer tahay Xaaji Cabdi” Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AUN

“Xaaji Cabdi waa shaqsiyad qaran” Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaand.

“Xaajigu waa odayga qarankan” Axmed Maxamed Qaybe

“Xaajigu waa nin aftahamo ah, hal adag, xaqana aan ka waaban, dadkana runta ka sheega” Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Qoraaga buuggu waxa uu ku amaanan yahay hawsha baaxaddaa leh ee uu dhabarka u ritay kana soo baxay. Uruurinta sooyaal intaa le’eg ma aha hawl fudud. Waa hawl u baahan dulqaadkeeda iyo dhabar adaygeeda. Waxa kale oo qoraaggu ku amaanan yahay sida uu ugu qoray buugga far-Soomaali sax ah  isla markaasna cid walba fahmi karto iyo sida uu u ilaaliyay shuruucda qoraalka misana u laaxin tiray  hadday noqoto naxwe, raad-raac iyo xigashoba.

Buugga SAMO-TALIS qofka akhriya waxa aan mar labaad looga sheekayn doonin qofka uu yahay Xaaji Cabdi-Kariin Xuseen ‘Cabdi-Waraabe’. Waxaana ka mid ah meelaha uu sida hufan qoraagu ugu sharaxayo ulana wadaagayo akhristaha aqoontiisa gaarka ah iyo tiisa baadhitaaneedba: “Xaaji Cabdi waxa uu ku caan baxay daminta colaadaha iyo xallinta xaajooyinka murugsan, taas oo sababatay in loo aqoonsado, si aan loo kala baydhinna loogu tilmaamo ‘Odayga Soomaalilaand’ ‘’

Aqoonyahannadu marka ay faallaynayaan Xaaji Cabdi waxa ay ku tilmaamaan ‘Maktabad’, oo uu macnaheedu yahay rug aqooneed iyo marjac loola noqdo taariikhda iyo dhaqanka, waayo waxa uu hayaa sooyaalka umadda, gaar ahaan laba qarni iyo dheeraad”

(SAMO-TALIS, boggaga 8-aad iyo 9-aad)

Waxa kale oo aad ka ogaan kartaa buugga markaad dhex qaaddo noloshiisii, sooyaalkiisii iyo hoggaamintiisiiba iyo in degganaanta iyo nabad jacaylku ahaa sifo uu lahaa Xaajigu illaa yaraantiisii.

Buuggani waa mid qiimo wayn ugu fadhiya guud ahaan ummadda reer Soomaalilaand iyo dhammaanba Soomaali intii danaynaysa samaha iyo waxqabadka Xaajiga ee mudan in lagaga daydo . Waxa uu buuggu xambaarsan yahay dhacdooyin iyo waayo kala duwan oo uu soo maray dalku ha ahaato waqtiyadii is bedelladii iyo horumarkii ka dhacayay dalka Soomaliland intii uu noolaa iyo intii uu xasuusto Xaajiguba.

SAMO-TALIS waa buu qiimo badan oo loo baahnaa in uu ku soo kordho diiwaannaada laga weelayn lahaa haldoorada Soomaalida sida  Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf ( Xaaji Cabdi-Waraabe )  oo tusaale fiican u noqon kara bulshada Soomaaliyeed meel walba ha joogtee.

 

Muna Axmed Cumar

Email: Muna_gafaneh@hotmail.com

Blog: www.muna19.wordpress.com

 

 

Comments are closed