|

Goormuu koombuyuutarku ka fiicnaadey hooyonimo

Marka hore waxan ku bilaabayaa  magaca illaahay ii suurto galiyey inaan maqaalkan qaro

sidaynu ogsoonahay ilaahay isagaa abuuray aadamaha rag iyo dumarba

midkastaana wuxu siiyey xaq iyo xaquuq aasaasi ah oo ay leeyihiin

sanada han ugu danbeyey  waxa soo baxayey walaacyo lagasoo warinayo

dumarka ku dhaqan dunida muslimka

ayna sheegayaan reer galbeedku in dumarka aan lasiin xaqooda

hadaba su’aasha meesha taala ayaa ah dad binu aadam  ah oo daciif ahi

ma isasiin karaan xuquuq uu alle inasiinin

jawaabtu waa maya ismasiin karaan

  • diinteena islaam ku waxay dumarku islaamka ah siisay sharaf iyo wanaag waxayna ka dhigtey tiirka ugu muhiimsan mujtamaca waxaynu ogsoonahay in dumarka hooyooyinka ah ay janadu ku jirto cagahooda hoostooda taas oo diinteena suubani heerkaas gaadhsiisey

marka   iyagana   hooyada iyo aabaha lagahadlayo hooyadu aabaha sadex jeer

ayeyka xaq badantahay  sida uu xadiiska nabigu (scw) sheegayey

diinteena islaamku dumarka waxay kadhig tey boqorado taas oon uga jeedo sida

ay tahay inay  udhaqmaan tusaale ahaan

  • boqorada dunida iyaga  waa loosoo  shaqeeyaa kadibna wixii  xog  ah eelasoo helay

ama  xoolihii lasoo shaqeeyay  iyagu  go”aamiyaan meelaha daruuriga ah

iyo waliba meelaha ay tahay inlagu bixiyo

sidaa si lamida ah dumarka islaamka iyagu  inay soo shaqeeyaan  alle  xaqooda ka

ma dhigin  laakiin taas alle raga  ayuu  saarey xoolaha ay soo helaana dumarka ayaa  xaq uleh

sida ay xoolahaa ugu tasarufayso

  • boqorada dunida  cid  gooniya ayaa salaanta   sidaas  si lamid ah illahay  wuxuu  waajib kadhigay  inay  dumarka muslimiinta  ahi gacan qaadaan  shakhsiyaad  kooban  oo alle  ubaneeyey
  • boqorada dunidu  waxay  leeyihiin  gaadh  ilaaliya  iyaga  kana  difaaca  cadawooda

ilaaliyana   sharaftooda

sidaas  si lamida ah  ayuu  alle  dumarka  ku waajibiyey  xijaab  kaasoo  ka difaaca

cadawgooda  shaydaanka  iyo kuwa uu soo kaashanayo  wuxuuna sidoo  kale

uhorseedaa  raali  ahaanshaha  ilaahay

  • hadaba inagoo intaasi  oodhan  ka warqabna   ayaa  hadana  waxa jira   dhawaaqyo  badan  oo caalami ah  kana  imanaya  hayado  gaaleed  oo  mashaariic  kusoo  qaata  fitneynta  dumar keena  sharafta  leh
  1. hadaba aynu eegno  taariikh kooban  ooku saabsan  reergalbeed iyo la dhaqanka dumarka
  • taariikhyadii hore dumarka waxayka aaminsanaayeen inaanay dumarka

ruuxi ku jirin  waana dood ayey  iskugu yimadeen faylasoofaro galeed

aakhirkiina  waxay kusoo gabagabeeyeen  inay dumarku  ruuxi kujirto  laakiinse raga  uun  loo  sameeyey  iyaga

  • faransiiska ayaa  wakhtiyo  aan  fogeyn lagu  qabtey dodo  iyaga

ooshaki  kaqaba  iney  dumarku  iinsaan  yihiin  aakhirkiina  ay kusoo

gabagabeeyeen  inay insaan  yihiin  aanay  cadaabta  ka baxsaneyn  oo ay ehlu naar yihiin  ilaa nabi ciise (scw) hooyadii maryam mooyaane

  • 1805 xeer ingiriiska ah ayaa lasameeyey  kaas  oo  raga  u ogolaanaya

Inay dumarkooda iibin karaan

Wakhtiyadii danbe ee horumarka  lasoo gaadhey  ayey  dumarku galeen

Halgano  ay jeclaayeen inay kaga  baxaan adoonsiga  arxan  darada ah ee loo geystay aa aakhirkii  qarnigii  labaatanaad  ayey soo gaadheen  in haweenayda la dooran karo iyaduna wax dooran karto

Ilaa aynu  manta  aragno  inay wadamada  qaar  kaga  xoog bateen ragii

Oo xafiisyada shaqada  wada  haystaan

  • Hadaba markaynu  xaaladaas  soo eegno  dumar keeno sharafta leh

Malasimanyihiin  banaysanaya  xuquuq  aan  alle siin

Mujtamaca kastaa wuxuu sitoos ah ugu  tiirsan  yahay  hooyo  hadii  doorkii hooyadu  meesha kabaxo  oo suuqa shaqada  la isku cidhiidhsado bulshadaas maxaa meel loo sii dhigay ee udiyaarsan

Balse hooyonimo goormay ka muhiimsantey computer   la dulfadhisto

Maahmaah somaliyed ayaa ahayd “hooyadu gacan ilmaheeda ayey ku luxdaa gacanta kalena dunidoo dhan”

Waxay sitoosa uqeexaysaa saameynta hooyada

  • Hadii aynu hirgalino umad ahaan wax yaabahan boqolka hayadood

Usocdaan oo ah in lasimo rag iyo dumar maxaa dhibaato ah ee aynu

La kulmi doonaa ama mustaqbal side ah ayeynu galidoonaa?

Inteynaan taasba ka jawaabin ragii ugu aqoonta badnaa

Ee ahaa culimadii ugu waa weyneyd ayaaba ka hadlaya

Tusaale :ahaan PETERIK .J. bukhanan oo ahraga ugu caansan

Maraykanka ayaa ka hadlay xaaladaha ay ku suganyihiin markay

Hirgaliyeen waxyaabaha ay inoogu yeedhayaan waliba isaga

Oo qiireysan ayuu ka hadlayaa arintan uuna ka qorey buug

Ubixiyey “dhimashadii reer galbeedka”

Waxyaabaha uuka cabanayo waxa ka mida ahdumarkan suuqa shaqada

Soo galey wuxuuna ka talinayaa in dumarka lagu celiyo xaafadahoodii

Oo suuqa shaqada laga saaro sababtuna  waa yaraanshaha dhasha

Ee ku timid taran toodii hadaba iyagoo dhimashadooda o goo ka war

Haya inay halaagsamayaan maxna sababaya inay inaga inoo keenaan

Dhawaaqyo dunida duminaya jiritaanka umadnimana meesha ka saaraya

  • Hadaba dad ahaan iyo umad ahaanba aynu uistaagno sidaynu iskaga

Difaaci lahayn weeraradaaas maskaxda ah ee sheegaya nala dhinta

  • Waa inaynu raacno wuxuu alle ina faray hadii ay jiraan rag dumarka

Xaqooda aan gudina waa inay ilaahay ka cabsadaan (SWT)

  • Waxaynu leenay islaamku xaq dumar,xaq caruureed iyo xaq ragba

Waxka qaalisan ayuu raadiyaa oo ah xaqa ilaahay (SWT)

WABILAAHI TAWFIIQ

Eimal:bintumawliid@gamil.com

Comments are closed