Google oo Uganda ka bilawday fidinta Internet lacag la’aan ah iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta dalkaas oo ka qayliyey
Kampala, 06 December, 2015-(SDN/QJ):- Shirkadda xagga macluumaadka Internetka ugu horreysa caalamka ee Google, ayaa Mashruuc faa’iido weyn shacabka u leh oo ah Internatka aan lahayn xadhkaha khadka xambaara ka bilawday waddanka Yuugandha.
Si aad ugu isticmaasho adeegga Google Interntka aan xadhigga lahayn ee loo yaqaanno (Wireless network), waa in Shirkadaha Isgaadhsiintu lacag bixiyaan, sida lagu sheegay Warbixin kooban oo BBC-du daabacday. Waxaanay Google rejyanaysaa inay dadka u jabnaan doonto haddii Sharkadahu qalabkooda isgaadshiinta la isticmaalo. Google ayaa maalintii internatka isticmaalkiisa ku qiimaysay $30 Doollar oo Lacagta Maraykanka ah.
Hase-yeeshee, Shirkadaha Internatka ee Uganda, ayaa sheegaya In Google ay lacag iyo waqti gelinayso dhul hore loo maalgashaday, gaar ahaan magaalooyinka, waxaanay sheegeen inay fiicnaan lahayd in ay dhulka Miyiga ah ay maalgashadaan ee aan lahayn Shabakadaha Interntaka.
Mashruucan, ayaa ah wejigii labaad oo lagu magaacabo Google’s Project Link in Kampala hadda bilaw yahay. Mashruuca qaybtiisii hore ayaa furay Shabakadda Xadhkaha Fiberka ku shaqeeysa, taasoo suurto-gelisay in dad badan uu gaadho internetku si lacag la’aan ah.
Ujeeddada Google ka leedahay adeeggan lacag la’aanta ah ee ugu weyn, ayaa ah in la isticmaalo Shabakadda Google oo dhinaca Booqashada Shabakadaha Internet-ka ah ee caalamka oo dhan ugu horreysa dhinaca keydinta, baadhista iyo booqashada Macluumaadka.
Bishii Oktoobar ee sannadkan, ayaa Shirkadda Facebook, iyana ay ku dhawaaqday inay bilaabayso mashruuc lagu gaadhsiinayo dadka Afrika adeegga internet-ka, iyadoo la isticmaalayo Dayax- gacmeed xambaaraya khadka Internet-ka, isla markaana si lacag la’aan ah ay dadka ku dhaqan deegaannada Dayax-gacmeedkaasi gaadho ku dhaqani.