Goobjooge ka Sheekeyay Wixii ka dhacay Gudaha Dayuurada Daallo Kadib Markii iyadoo Hawada ku Jirta uu Qarax ka dhacay Iyo Sidii ay dadku Noqdeen DAAWO.
Muqdisho 5. February,2016(SDN/QJ):– Waxaa marba marka Ka danbaysa isa soo taraya Xogaha laga helayo Qaraxii ka dhex dhacay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo oo Xili ay ka kacday Garoonka Magaaladda Muqdisho ee Aadan Cade uu Qarax ka dhex dhacay iyadoo ku sii Jeeda Dalka Jabuuti.
Wargeyska Maalinlaha ee Daily Blic ee ka soo baxa caasimadda dalka Serbia ee Belgrade ayaa shalay baahiyay waraysi kooban oo lala yeeshay duuliyihii Diyaaradda Daallo Airlines ee Salaasadii uu qaraxa ka dhacay xilli ay ka duushay Garoonka Diyaraadaha ee Muqdisho.
Duuliyaha oo lagu magacaabo Vladimir Vodpopivec ayaa sheegay inuu filayo inuu qaraxa ahaa wixii ka dhacay gudaha Diyaaradda uu Duuliyaha ka ahaa ee Daallo Airlines, ee Flight Number-keedu ahaa D3159.
Duuliyaha oo 64-jir ah waxa uu Wareysigiisa ku xusay inaanay wax burbur ah soo gaadhin halka laga hago Duullimaadka Diyaaradda. “Nasiib wanaag, Halka laga kontoroolo Duullimaadka ma burburin, waxaana awooday inaan soo laabto, kuna dego Garoonka” ayuu yidhi Duuliye Vladamir Vodopivec, oo intaasi ku daray inay Ilaahay mahadiisa tahay inay ku dhamaatay si wanaagsan.
Isagoo ka hadlaya sida uu u arkaayay waxa diyaaradda ka dhex dhacay wuxuu yidhi “Waxaan u malaynayaa inuu qarax ahaa, wixii ka dhacay gudaha diyaaradu.”
Duuliye Vladamir Vodopivec oo u dhashay dalka Serbia waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyka Maalinlaha ee Daily Blic ku xusay inaanu marnaba la kulmi dhacdadii toddobaadkan oo kale muddadii uu ku soo dhex jiray Xirfadda Duuliyenimo.
Dhinaca kale, Diyaaradaasi oo ay la socdeen 74 qof Rakaab ah oo ku sii jeeday dalka Jabuuti, waxaa ku dhaawacantay 2 qof.
Warar ayaa waxay sheegayaan in maydka qof ka mid ah Rakaabka oo uu qaraxa ka dhex dusiyey mid ka mid ah Daaqadaha Diyaaradda ayaa laga helay Degmadda Balcad, sida ay caddeeyeen Maamulka Degmadda.
Maydka Marxuumkaasi oo ahaa Nin Oday waxa la geeyayMuqdisho, iyadoo la sheegay inuu qaraxu jarjaray qeybo ka mid ah jidhkiisa.
Dhinaca Kale Mid ka Mid ahaa Rakaabkii Diyaaradaas la Socday ayaa ka warbixiyey Sidii ay Wax u dhaceen iyo Dareenkii Rakaabkii Diyaaradda Saarnaa Halkan Hoose ka Daawo