|

Goluhu Hadii uu Isa Saxay Maxaa Loo Qoonsaday ? Mujaahid Cali Guray

London 28.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo hada Ku Sugan Magaalada London ee Cariga Ingiriska ayaa Markii u horaysay ka Hadlay Talaabadii uu Golaha Wakiiladu ku Meel Mariyey Xeer hoosaadkooda oo Wax ka bedel iyo Kaabis ay ku Sameeyeen kuna Ansixiyeen Go’aan Gole .

Cali GuraySida aanu ka soo Xiganay Barta  Xidhiidhka Dadweynaha ee uu Face Book ku leeyahay Gudoomiye ku Xigeenku Waxa uu Jawaab ka Bixiyay Hadal uu Maanta Warbaahinta Siiyay Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed oo Sheegay in Go’aankii Shalay uu Golaha Wakiiladu ku Meel mariyay Xeer hoosaadkan ay baal marsan tahay Shuruucda dalka .

Qoraalka Mujaahid Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan “Caalamka dimuqraadiyadda kama jiro wax loogu yeedho Shirgudoonka Wakiiladu, waana shuqul hantiwadaag. Talaabada ay qaadeen xildhibaanada Aqalka Wakiiladu na waxan u arkaa keliya mid ay ku saxeen qalad ay la haayeen. Shakhsiga gudoomiya wakiiladu waa af hayeenka aqalka( House Speaker), wax awood shakhsi uu leeyahay na ma jirto ee awooda waxa iska leh golaha. Marka aanu goob joog ahayn gudoomiyaha dabcan fadhiga waxa gudoominaya Gudooniye Xigeenka 1aad ama kan labaad hadii uu maqan yahay. Markaa maan fahmin ama muu fahmin Xildhibaan Cali Yusuf waxa uu ka hadlayo. Ma waxa uu diidan yahay qalad la saxay baa mise wax kale ayaa jira” ayuu ku Yidhi Qoraalkiisa Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid .

London SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed