Gollha wasiirada Soomaaliya oo la isku shaandheeyay
Muqdisho July 08, 2023 (SD) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golaha Wasiirada, isaga oo isbedel ku sameeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa u magacaabay Biixi Iimaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, kadib markii xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u magacaabay Saadaam Maxamed Nuur Caliyow Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. Xilkan ayaa waxaa horay u hayay Ilyaas Cali Xasan oo hadda noqday Senator ka tirsan Aqalka Sare.
Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.
Isku shaandheyntan cusub ayaa imaanaysa iyadoo dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii isbedel muuqda loo sameyn lahaa, isla markaana wax looga qaban lahaa caqabadaha musuq-maasuqa, taasoo walaac ku beertay mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda.