|

Gollaha Xukuumada Somaliland oo ku kala qeybsamay iscasilaada wasiirka Maaliyada

Hargeysa Dec 27,2011(qurbejoog.com)-Waxa dhawaan khilaaf ka dhex aloosmay xukuumada Somaliland ka dib kolkii ay isqabteen wasiirada Maaliyada iyo ka macdanta iyo biyaha ee Somaliland.

Khilaafkan ayaa sababay in wasiirka Maaliyad Md Maxamed Xaashi qoraal iscasilaada u gudbiyo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo kolkii hore aqbalay iscasilaada.

Xubno fara badan oo iyagu ka tirsan gollaha wasiirada ayaa madaxweynaha ugu tagay dhexdhexaadin ay uga codsanyaan madaxweynaha aanu ka aqbalin Md Maxamed Xaashi iscasilaada inta ay la hadlayaan wasiirka maaliyada,madaxweynuhuna waa uu ka aqbalay.

Xubnahan wasiirada ah ayaa ku qanciyay madaxweynaha in hawsha uu wasiirka maaliyadu qabtay ilaa iyo haatan ay tahay mida qudha ee dhaqaalaha dalku ku dhisan yahay.

Xubnuhu waxa ay qabaan in hadii Maxamed Xaashi wasaarada maaliyada ka tago khasnada dawlada laga dhaansan doono,oo qolyaha aaminsan in Kulmiye iyo doorashada madaxweyne Axmed Siilaanyo tacabkoodu halkan ku soo gaadheen ay ka dhaansan doonaan.

Wasiirada ayaa deeto ina Xaashina ku qanciyay in uu dalka iyo danta ummadda u samro oo uu hawsha sii wado.

Ma cada sababta dhabta ah ee khilaafka labada wasiir uu ka dhashay, waxase aan meesha ka madhneyn in dhaqaale u badan yahay muranku.

Si kastaba ha ahaatee waxa la yaab mudan in gollaha wasiiradu intooda badani ay qabaan in hantida ummadu khatar uga imaneyso xubno xukuumada ka tirsan iyo qaar kulaalayaba ayna dareemayaan in Md Maxamed Xaashi yahay ruuxa qudha ee ka yureen kara.

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed