|

Gollaha Wasiirada Masar oo Dalbaday in la kala Eryo Taageerayaasha Morsi

Qahir Aug 01,2013(SDN)-Gollaha wasiirada ee dalka Masar ayaa soo saaray goaan ay ciidamada dalkaasi ku kala diraan isu soo baxayaal taageera Madaxweynihii hore ee Masar oo fadhiya laba goobood oo ku yaal caasimada dalkaasi.

Talaabadan ayaa muujineysa isku dhec dhex mari kara ciidamada iyo Taageereyaasha maxamed Morsi oo maalmihii u danbeeyay ay iska hor yimaadeen.

Taageereyaasha Morsi ayaa xarumo ka sameystay agagaarka Jaamacada Qaahira iyo Masjid ku yaal dhinaca kal ee magaalada.

Afhayeenka Ikhwaanka Gehad el-Haddad ayaa saxaafada u sheegay in goaanka wasiiradu muujinayo sida Kooxdani ugu hawlan tahay qorsheyaal dahsoo.

Waxa haatan la sugaaba waa sida qorshahan loo hirgeliyo iyada oo aan la saadaalin karyen khasaaraha ka dhalan kara.

Intii ka danbeysa afganbigii Morsi ayaa waxa dalka Masar ku geeriyoodey in ka badan 260 ruux.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed