|

Gollaha Wakiilada Somaliland oo maanta dhegeystay warbixino lix heyadood

Hargeysa Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Gudida joogtada ah ee golahaasi waxay ka jeediyeen warbixin dheer oo ay ka soo uruuriyeen Lix Hay’adood oo ka mid ah laamaha dawlada waxaa kale oo ay golaha ka dalbadeen inay ansixiyaan xeerar ay ku shaqeeyaan waaxyaha dawladu.

Waxaa fadhigan Shirgudoominayay, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md.C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi,

Gudoomiyaha Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Barkhad Miigane ayaa halkaas ka jeediyay warbixin dheer oo ka kooban Shan iyo Labaatan Bog taas oo xambaarsanayd xogwarano ay la yeesheen Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Qorshaynta Macdanta iyo Biyaha,Beeraha,Xanaanada Xoolaha, Hay’ada la dagaalanka Musuq maasuqa iyo Komiishanka Cidhib tirka H.IV,

Gudidu waxaa kale oo ay Warbixintooda ku xustay in kulamadan xog ururinta ah ay ku waayeen Sadex hay’adood oo laba ka mid ah mas’uuliyiintoodu hawlo shaqo ku maqnaayeen, halka ta sadexaadna sabab Madaxdoodu ay sabab la’aan u maqnaayeen labada hay’adood ee hawlaha shaqo ku maqnaa ayay warbixintani ku sheegtay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Hanti dhawrka qaranka halka ay Wasaarada Caafimaadku Sabab la’aan ay uga maqnayd kulamadii ay rabeen inay la yeeshaan

I. Gudida Joogtada Golaha wakiilada waxay gole weynaha u soo jeediyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo ansixiyo Xeerarka ay ka mid yihiin

II. Xeerka Asaaska Hay’ada Maamul wanaaga,iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa

III. xeerka Hilibka

IV. xeerka Biyaha

V. xeerka Baanka iyo weliba yeedho Komiishanka AIDSKA Qaranka

,waxaa kale oo Mudanayaasha golaha wakiilada Golaha Loo qaybiyay Sedexda Xeer ee kala ah.

· Xeerka Baanka Dhexe ee somaliland

· Xeerka La Dagaalanka Budhcad badeeda,iyo

· xeerka kala Wareejinta Maxaabiista

 

Geesta kale waxaa Goluhu warbixino ka dhegaystay, Shan Xildhibaan oo ka socday Baarlamanka wadanka Jabuuti .

Hogaamiyaha wetigan ka tirsan Baarlamanka Jabuuti Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble oo ka tirsan shanta xildhibaan ee ka tirsan Jamhuuriayda Jabuuti,waxaanay sheegtay in somaliland imin doonaan Xildhibaano ka socda Wadanka Jabuuti kuwaasoo ah Xildhibaano rag ah Maadaama ay iyagu yihiin Xildhibaano,dumara,iyadoo halkaasi ugu mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweey mudadii ay joogaan wadanka.

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed