|

Gollaha Wakiilada oo dib u hawlglay iyo sababta

Berbera November 29, 2024(QJ) – Guddida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada oo socdaal indho-indhayn iyo indho-indhayn ah ku jooga gobolka Saaxil, ayaa maanta kulamo iyo kormeero ku tagay xarunta dawladda hoose ee Berbera iyo Kastamka Berbera.

Waxa kale oo ay Guddidu la kulmeen Maayarka Berbera oo ay wehelinayeen Xoghayaha Dawladda Hoose iyo Maamulaha Kastamka.

Gabagabadii kormeerkooda waxa ay Guddidu soo kormeereen Mashaariic ay Dawladda Hoose ka fulisay Magaalada Berbera oo ay ka mid yihiin Xisaab-xidhka Maaliyadda 2022-ka, kuwaas oo Guddidu ay hadda u kuur-galayaan, dhawaana ay Golaha horgeyn doonaan.

Leave a Reply